28 Qof oo ku geeryooday doon la qalibantay iyaga oo ka cararaya ‘AS’

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa ku sheegay shir jiraa’id in 28 qof ay ku dhinteen Doon la qalibantay kadib markii Kooxda ‘AS’ ay u diideen meel ay ka baxaan.

Doontan ayaa waxaa saarnaa dad shacab ah oo doonayey inay naftooda badbaadiyaan balse ugu dambeyn doontii ay la qalibantay iyada oo Xubno ka tirsan ‘AS’ ceyrsanyaan sidaasna wabiga ugu geeriyooday.

Roobabka daadadka wata ee ka da’ay dalka Soomaaliya, ayaa saameyn ku yeeshay In ka badan labo milyan oo ruux, waxaana ku barakacaay illaa sagaal boqol (900) oo ruux sida uu sheegay guddoomiyaha Hey’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale ka warbixiyay gurmadka ay bixisay hey’adda SoDMA isaga oo sheegay in illaa 11 kun oo ay gaarsiyeen cuno iyo agab kale oo ay u baahnaayeen.

“Illaa hadda waxaa la gaarsiiyay 33 doomoon Gedo, Jubbada Hoose iyo Hirshabeelle oo u baahna dooman si loo badbaadiyo dadka ay fatahaadu saameysay” ayuu yiri guddoomiyaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM