6 kun oo qaxooti ah oo dib ugu soo laabtay Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga (UNHCR) ayaa sheegtay in 6 kun oo qaxooti Soomaali ah ay si iskood ah ugu laabteen dalkooda tan iyo sanadkii 2017-kii.

“Doon siday 150 qaxooti Soomaali ah ayaa xalay fiidkii ka dhooftay dekedda magaalada Cadan ee koonfurta Yemen, waxayna gaartay dekedda Berbera ee Soomaaliya.” ayaa lagu yiri bayaan ay soo saartay UNHCR.

Bayaanka ayaa tilmaamay in soo laabashadan ay qayb ka tahay barnaamij ay maal gelinayso UNHCR.

Waxaa sidoo kale lagu sheegay in markii ugu horeysay 26 Qaxooti Soomaaliyeed ah oo ku noolaa Waqooyiga dalka Yaman (meelaha ay Xuuthiyiinta ka taliso) lagu caawiyay inay dib ugu laabtan Soomaaliya.

Barnaamijkan waxaa fududeeyay UNHCR oo kaashanaysa hay’adaha samafalka ka shaqeeya iyo Xukuumadaha Yaman iyo Soomaaliya, sida lagu sheegay bayaanka.

Bayaanka ayaa lagu xusay in Yaman ay martigeliso tirada saddexaad ee ugu badan qaxootiga Soomaaliyeed, taasoo u dhiganta 71,000 oo qaxooti iyo magangalyo doon ah oo u diiwaan gashan UNHCR.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM