6 kun oo qaxooti ah oo dib ugu soo laabtay Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga (UNHCR) ayaa sheegtay in 6 kun oo qaxooti Soomaali ah ay si iskood ah ugu laabteen dalkooda tan iyo sanadkii 2017-kii.

“Doon siday 150 qaxooti Soomaali ah ayaa xalay fiidkii ka dhooftay dekedda magaalada Cadan ee koonfurta Yemen, waxayna gaartay dekedda Berbera ee Soomaaliya.” ayaa lagu yiri bayaan ay soo saartay UNHCR.

Bayaanka ayaa tilmaamay in soo laabashadan ay qayb ka tahay barnaamij ay maal gelinayso UNHCR.

Waxaa sidoo kale lagu sheegay in markii ugu horeysay 26 Qaxooti Soomaaliyeed ah oo ku noolaa Waqooyiga dalka Yaman (meelaha ay Xuuthiyiinta ka taliso) lagu caawiyay inay dib ugu laabtan Soomaaliya.

Barnaamijkan waxaa fududeeyay UNHCR oo kaashanaysa hay’adaha samafalka ka shaqeeya iyo Xukuumadaha Yaman iyo Soomaaliya, sida lagu sheegay bayaanka.

Bayaanka ayaa lagu xusay in Yaman ay martigeliso tirada saddexaad ee ugu badan qaxootiga Soomaaliyeed, taasoo u dhiganta 71,000 oo qaxooti iyo magangalyo doon ah oo u diiwaan gashan UNHCR.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hogaamiye Al-Shabaab oo Mareykanka $5 million dul-dhigay madaxiisa oo lagu dilay Jilib 

Dowladda Federaalka ayaa mar kale adkaysay go’aankeeda ah inay sii waddo howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    02-01-2026

  • 07:41AM

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka digay qorshaha Israel ka damacsan tahay Somaliland

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in Muqdisho ay la xiriirtay bulshada caalamka, oo ay ku jiraan Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-01-2026

  • 12:41PM