Aabihii Guusha ee Qabyaaladda xilka looga qaaday!

Image

GAROWE, Soomaaliya - Gudoomiyihii Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha gobalka Nugaal, Siciid Xasan Cabdi ayaa xilka laga qaaday iyada oo lala badalay gudoomiyayaashii Sanaag iyo Hayland ee dhalinyarada iyo cayaaraha lana doonayay in lagu qariyo tiisa sida ay dadku ku doodayaan.

Siciid Xasan Cabdi oo kamid ahaa in ka badan 20 sano Haldoorka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha gobalka Nugaal iyada oo uu aas-aas u ahaa guushii xulka gobalka Nugaal kadib magacaabistii macalinka gobalka Yacquub Cismaan Maxamed.

Gudoomiyaha gobalka Nugaal, Cabdiraxmaan Xaaji Abshir Faarax ayaa diiday warqada wasiirka isaga oo garab istaag u muujiyay Gudoomiyaha Qabyaalada xilka looga beegsaday.

Ninka lagu badalay oo la yiraahdo, Cabdulqaadir Maxamed New ayaa waxaa ay qaraabo yihiin Duqa Garowe, Cabdulqaadir Maxamed Geedi oo isagu ay wararku sheegayaan in uu arintaan lix bil kahor kala macaamilay wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha.

Arinta walaaca leh ayaa ah sida uusan wasiirka Dhalinyaradda Puntland, Cabdiraxmaan Axmed Caydiid uusan marna u tixgelin guushii iyo niyada Dhalinyaradda koobka soo qaaday.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM