Aadan Madoobe oo la kulmay guddoonkii hore ee Golaha Shacabka

Image
Shirkan ayaa diiradda lagu saarey xaalada guud ee Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed.

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), iyo Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullahi, ayaa kulan wadajir ah ku yeeshay xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa.

Labada guddoomiye ayaa waxay Guddiga Dib u Eegista, La-socodka iyo Hirgelinta Dastuurka ku wareejiyeen nuqulada heshiiskii Madasha Wadatashiga Qaran.

"Guddoonka labada aqal ayaa Guddiga waxay kula dardaarmeen in ay luuqad dastuur kuso qoraan Isla markaana horkeenaan Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaana guddiga ay guddoomeen nuqulada heshiiskii Madasha Wada-tashiga Qaran," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska Aadan Madoobe.

Dhinaca kale, Aadan Madoobe ayaa xalay waxa uu hooygiisa magaalada caasimadda ah ee Muqdisho casho sharaf ugu sameeyay Guddoomiyeyaashii hore ee Aqalka Hoose.

Kulanka casho sharafta ah waxaa lagu casuumay, Xildhibaan Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo  Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Mas'uuliyiintan ayaa waxay iska xog-wareysteen xaalada dalka gaar ahaan habsami u socodka shaqada Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ee Koonfur Galbeed.

"Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur ayaa Guddoomiyeyaashii hore kaga mahadceliyay sida ay u soo ajiibeen kulankaan casho sharafta ah," ayaa lagu yiri bayaan.

Kulankan ayaa waxa uu kusoo aadayaa xilli dhowaan Muqdisho lagu soo gabagabeeyay shir uu madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ku casuumay madaxdii xafiiska uga horeysay kaas oo diiradda lagu saarey xiisadaha siyaasadeed ee ka taagan Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM