Agaasimihii hore ee Madaxtooyada oo u hanqal taagaya xilka Madaxtinimada

Image
SAWIR HORE

MUQDISHO, Soomaaliya - Xuseen Sheekh Maxamuud, Agaasimihii Guud ee Madaxtooyada Soomaaliya, ayaa maanta si rasmi ah isaga casilay xilkaasi, iyadoo ujeedadu tahay in uu noqdo Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed.

Xuseen Sheekh ayaa go’aankiisa ku sababeeyey xaaladda cakiran ee ka taagan Koonfur Galbeed iyo talada siyaasiyiinta deegaanka. Arrintan ayaa muujineysa isbaheysiga cusub ee siyaasadeed ee ka curanaya maamulka Koonfur Galbeed ka hor doorashada madaxweynaha.

Warar la isla dhexmarayo ayaa ka soo baxaya sida uu Xuseen Sheekh ula safan yahay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wada shaqayn suurtagal ah oo dhaxmari karta ee labada dhinac hadii uu xilka ku guuleysto, taas oo kor u qaadayi doonta saameynta ay dowladda dhexe ku leedahay arrimaha dowlad goboleedyada.

Koonfur Galbeed ayaa mar walba u janjeerta dhanka maamulka ka taliya Muqdisho, sida dhacday doorashadii 2018 ka dib, taasoo keentay inuu hogaanka u qabto Cabdicasiis Laftagreen oo daacad u ahaa Madaxweynihii hore ee Farmaajo.

Isaga oo ah musharrax u taagan doorashada Koonfur Galbeed, safarka Xuseen Sheekh ee ka bilaabanayo shaaqle federaal laga yaabna inuu ku dhamaado Madaxweyne maamul goboleed ayaa qeexaya wajiyada kala duwan ee leedahay siyaasadda Soomaaliya.

Is casilaada Xuseen Sheekh ayaa sidoo kale ka dhigan in siyaasadda Soomaaliya aysan ka jirin ujoodooyin istaraatiijiyadeed ee madaxda ku xisaabtamaan marka ay go’aannada gaarayaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hogaamiye Al-Shabaab oo Mareykanka $5 million dul-dhigay madaxiisa oo lagu dilay Jilib 

Dowladda Federaalka ayaa mar kale adkaysay go’aankeeda ah inay sii waddo howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    02-01-2026

  • 07:41AM

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka digay qorshaha Israel ka damacsan tahay Somaliland

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in Muqdisho ay la xiriirtay bulshada caalamka, oo ay ku jiraan Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-01-2026

  • 12:41PM