Al-Shabaab oo duqeyn looga dilay horjoogeyaal iyo xubno muhiim ah

Image
Howlgalkan dhanka cirka ah ayaa ka kala dhacay labada gobol ee Shabeellada Hoose iyo Mudug.

MUQDISHO, Soomaaliya - Hay'adaha nabad-sugida iyo mukhaabaraadka Soomaaliya (NISA) ayaa warisay in horjoogeyaal ka tirsan Al-Shabaab lagu dilay duqeymo cusub oo ka dhacay koonfurta dalka.

War qoraal ah oo lagu daabacay ciwaanka Twitter-ka ee NISA ayaa lagu caddeeyay in howlgalkan ay qeyb ka ahaayeen saaxiibada caalamka wallow aan la caddeyn dalka fuliyay weerarkan dhanka cirka ah.

Bayaanka ayaa wuxuu intaas ku daray in todoba dagaalameyaal kale oo kamid ah xoogaga gacan-saarka la leh Al-Qaacida ay kamid ahaayeen waxyeelada "Khawaariijta kasoo gaarey gulufkan".

"Hay'adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka @HSNQ_NISA, iyagoo taageero ka helaysa bahwadaagta caalamiga ah, ayaa khaarijisay labo ka mid ah hogaamiyeyaasha Al-Shabaab iyo todobo xubnood oo kale kadib hawlgallo kala duwan oo laga fuliyay labada gobol ee Shabeellada Hoose iyo Mudug," ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Mareykanka ayaa inta badan waxa uu fuliyaa howlgalada oo noocaan oo kale ah. Hase ahaatee, Turkiga ayaa sanadihii ugu dambeeyay waxa uu kusoo biiray dagaalka dhanka cirka ee ka dhanka ah Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM