AMISOM oo lagu weeraray Shabeelada hoose

Image

1 September, 2015(GO)-Wararka naga soo gaaraya degaanka Jannaale ee gobolka Shabellada hoose ayaa sheegaya in qaraxa ismiidaamin ah lagu weeraray saldhiga ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ay ku leeyihiin deegaankaasi.

Werarka ayaa dadka deegaanku sheegeen inuu ahaa gaari  laga soo buuxiyay walxaha qarxa oo gudaha u galay saldhiga.

Illaa haatan lama hayo wax faahfaahin ku aadan khasaaraha ka dhashay weerarka..

June 26-keedii ayay ahayd markii maleeshiyaadka ururka Alshabaab weerar ku qaadeen saldhig ay lahaayeen ciidamada AMISOM oo ku yaallay magaalada Leego, waxayna goobtaas ku dileen in ka badan 50 askari.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dhaqaale Xumo iyo Isbeddelada Hoggaamineed oo Saameyn ku yeeshay Dagaalka Al-Shabaab

Dhibaatada Ciidamada dowladda ayaa muujineysa baahida loo qabo dib-u-habeyn dhameystiran oo ku saabsan hoggaanka.

  • Soomaliya

    16-05-2025

  • 09:14AM

Dibadbax rabshado wata oo ka dhacay magaaladda Burco

Dadka mudaharaadka dhigayay ayaa sheegay in haddii maxaabiista la sii daynayo maxaabiista SSC-Khaatumo.

  • Soomaliya

    15-05-2025

  • 05:13PM