Aqalka Sare oo loo gudbiyay Sharciga Howlgabka iyo Liiltirka shaqaalaha

Image
Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ayaa la faray in ay waajibaadkooda kasoo gutaan hindise-sharciyeedkan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdulaahi, ayaa maanta shir guddoomiyay kalfadhiga afaraad kulankiis 3-aad oo ajandihiisu ahaa Akhrinta1-aad ee Sharciga Howlgabka iyo Liiltirka Shaqaalaha Rayidka ah ee Dowladda.

Cabdi Xaashi ayaa waxaa kulanka ku wehliyay Guddoomiye ku xigeennada Golaha, Mudane Cali Shacbaan Ibtaahim iyo Mudane Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde)

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshad, Maxamed Cilmi Ibraahim ayaa Sanatarrada u faahfaahiyay muhiimadda hindise sharciyeedka Howlgabka iyo Liiltirka Shaqaalaha Rayidka ah ee Dowladda.

Intaas kadib, Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa faray guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada, Aqalka Sare in ay la wareegaan Hindise Sharciyeedka Howlgabka iyo Liiltirka Shaqaalaha Rayidka ah ee Dowladda, si ay uga soo gutaan waajibaadka ka saran Golahana ay dib ugu soo celiyaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Ma doonayno in Israa’iil noo timaaddo oo dhibaatooyin noo keento

Wuxuu tallaabada Israa’iil ku tilmaamay mid “aad u murugo leh,” isaga oo ku baaqay in la ixtiraamo sharciga caalamiga ah.

  • Soomaliya

    31-12-2025

  • 08:48PM

Dowladda Soomaaliya oo xoojisay dagaalka siyaasadeed oo ka dhanka qaar ka tirsan maamulada dalka

Su’aal ay dad badan is weydiinayaan ayaa ah sababta si gaar ah Puntland ….

  • Soomaliya

    30-12-2025

  • 06:24PM