Aqalka Sare oo u yeeray xubno ka socday Xafiiska Xeer-ilaalinta

Image
Xubnahan ayaa hortagay Guddiga Khayraadka Qaranka, kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Gaadiidka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Aqalka Sarre ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxa uu u yeeray xubno ka socday Xafiiska xeer ilaalinta, sidda ku cad war-saxaafadeed rasmi ah.

Bayaanka ayaa waxa uu kasoo baxay Guddiga Khayraadka Qaranka, kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Gaadiidka Aqalka Sare oo shir muhiim ah ku yeeshay Muqdisho Isniintii shalay ahayd.

Sidda laga soo xigtey warka qoraalka ah, ujeedada loogu yeeray xubnahan ayaa ah "si ay isula daaraaseeyaan sharciga Maaraynta Deegaanka oo muhiim gaar ah u leh dalka".

"Guddiga Khayraadka Qaranka, kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Gaadiidka Aqalka Sare oo gudanaya waajibaadkiisa Dastuuriga ah ayaa maanta yeeshay kulankoodii lixaad ee Kalfadhiga 3-aad," ayaa lagu yiri qoraalka.

Warka ayaa intaas ku daray: "Guddiga Khayraadka Qaranka oo maalmahaan ku howlanaa ka shaqaynta Hindise sharciyeedka Maaraynta Deegaanka, ayaa kulankooda maanta ugu yeeray xubno ka socday Xafiiska xeer ilaalinta, si ay isula daaraaseeyaan sharciga Maaraynta Deegaanka oo muhiim gaar ah u leh dalka".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hogaamiye Al-Shabaab oo Mareykanka $5 million dul-dhigay madaxiisa oo lagu dilay Jilib 

Dowladda Federaalka ayaa mar kale adkaysay go’aankeeda ah inay sii waddo howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    02-01-2026

  • 07:41AM

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka digay qorshaha Israel ka damacsan tahay Somaliland

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in Muqdisho ay la xiriirtay bulshada caalamka, oo ay ku jiraan Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-01-2026

  • 12:41PM