Aqalka Sarre ee Soomaliya oo guddi u saarey sharci muran dhaliyey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoonka Aqalka Sarre ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa guddi u saarey sharciga muranka dhaliyey ee doorashooyinka.

Cabdi Xaashi Cabdullaahi, afhayeenka Sanate-ka, oo war qoraal ah soo saarey, ayaa magacaabay Guddiga oo ka kooban todoba kamid ah xubnaha Golaha.

Talaabadan ayaa kusoo aadeysa xili 28-kii December, 2019, golaha shacabka meelmariyey xeerkan oo qodoba ku jira ay ka hor-yimaadeen siyaasiyiinta iyo xisbiyadda.

Madasha Xisbiyadda ayaa diidey qodobka 53aad, oo xeerinaya in dowladda hadda joogto sameysan karto muddo ku darsi hadii ay yimaadaan daruufo carqalad keenaya.

Xisbiyadda Wadajir ee uu hogaamiyo siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo xoojiyey diidmadan ayaa ka digay muddo kororsi loo sameeyo xukuumada.

Aqalka Sarre ayaa ah meesha ugu dambeysa ee go'aan ka gaareysa sharcigan oo sidoo kale ay ka hor-yimaadeen qaar kamid ah dowlad goboleedyadda.

Doorashooyinka 2020-21 ayaa kamid ah qodoba masiiriga ah ee aan wali heshiis laga gaarin nidaamka loo marayo, waxaana dowladda lagu dhaliilay in ay isku koobtay.

Hoos ka akhriso magacyadda guddiga

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo Taageertay Wada-hadallada Is-mari-waaga Doorashada

Baqaan wada-hadal ee uu horay u soo saaray Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay u helay taageerada Midowga Yurub.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 10:44AM

Farmaajo: Muuse Biixi wuxuu aqbalay midnimada Soomaaliya kadib dhexdhexaadintii Abiy Ahmed

Farmaajo wuxuu intaas ku daray in Abiy Ahmed uu u sheegay Muuse Bihi in Somaliland aysan heli doonin aqoonsi caalami ah.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 09:33AM