ATMIS oo todobo saldhig ku wareejisay ciidanka Soomaaliya

Image
Talaabadan ayaa waxay qeyb ka tahay hirgelinta Qorshaha Kala-guurka ee Soomaaliya.

MUQDISHO, Soomaaliya - Howlgalka ATMIS ayaa soo gabagabeeyay wajigii koowaad ee dhimista ciidamada, taasi oo looga gol leeyahay in ugu dambeyn ammaanka si buuxda gacanta loogu dhigo ciidamada Soomaaliya.

War saxaafadeed ayaa lagu sheegay in guud ahaan todobo saldhig lagu wareejiyay ciidamada ammaanka Soomaaliya, taasi oo suura galisay in la dhimo 2,000 oo askari illaa 30-kii bishan June.

Madaxa saadka ee ATMIS Bosco Sibondavyi ayaa ku tilmaamay xil wareejinta inay tahay “mid muhiim ah” oo laga gaaray hirgelinta Qorshaha Kala-guurka ee Soomaaliya.

Talaabadan ayaa sidoo kale waxa ay waafaqsan tahay qaraarada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee wareejinta mas’uuliyadda amniga, sidda ay sheegtay AFP.

Golaha Ammaanka ayaa Talaadadii dib u cusbooneysiiyay muddo lix bilood ah oggolaanshaha ciidamada Midowga Afrika, kaasoo ku eg dhammaadka Sebtembar oo ay ka baxayaan 3,000 oo askari oo kale.

Ciidamada ATMIS ayaa  ah in ka badan 19,000 oo askari iyo saraakiil booliis ah oo ka kala socday dalal ay ku jiraan Burundi, Itoobiya, Kenya iyo Uganda, balse waa in laga dhigaa ebe eber dhammaadka 2024-ka.

Bishii Abriil 2022, Goluhu wuxuu ansixiyay beddelka AMISOM (Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya), oo la aasaasay 2007, ATMIS, oo ah howlgalka la xoojiyay ee lagula dagaallamayo maleeshiyada Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM