Axmed Madoobe oo kormeeray mashruuc dib loo hirgelinayo

Image
In ka badan sodon sano kahor ayay dowladii dhexe ee Soomalaiya bilowday mashruucan.

KISMAAYO, Jubaland - Madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta kormeer ku tagay xarunta mashruuca weyn ee biyo galinta Magaalada Kismaayo ee deegaanka Yoontooy.

In ka badan sodon sano kahor ayay dowladii dhexe ee dalka hirgalisay mashruucan iyadoo dib hada ay u howlgalinayso Wasaarada Tamarta iyo Biyaha Jubaland.

Madaxweynaha ayaa kormeeray Wajiga koobaad ee mashruucan oo hada la gaba gabeeyay iyadoo Wajiga labaad la gudo galay uuna qaadan doono mudo sanad ah in lasoo gaba gabeeyo mashruuca oo dhan.

Mashruucan ayaa biyo nadiif oo laga soo jiiday wabiga Jubba gaarsiin doona in ka badan labo milyan oo qof iyadoo markiiba uu soo saarayo biyo dhan shan iyo toban kun oo meter cubic taas oo dabooli doonta baahiyaha dhinaca biyaha ee Magaalada Kismaayo iyo deegaanada ku xeeran ee gobolka Jubada Hoose.

Madaxweynaha ayaa u mahad celiyay howlwadeenada iyo shaqaalaha ka shaqaynaya mashruucan dhaxalgalka ah isagoo xusay in wax badan uu kusoo kordhin doono hormarka deegaanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo Ammaanay Guusha Puntland ka gaartay Dagaalka Daacish

Hadalkan ayaa imaanaya xilli ciidamada ammaanka Puntland ay wadaan hawlgallo xooggan oo ka dhan ah kooxda Daacish.

  • Soomaliya

    05-09-2025

  • 04:13PM

Soomaaliya oo Safiir Cusub u Magacowday Suuriya oo tan iyo 2011 dagaal ku jirtay

Danjirihii hore ee ku-meel gaarka ahaa, Daahir Maxamuud Muuse, ayaa horey u aas-aasay wadashaqeynta dib u furashada xiriirka.

  • Soomaliya

    05-09-2025

  • 03:55PM