Bangiga Aduunka: Hoos-u-dhac weyn baa ku yimid dhaqaalaha Soomaaliya

Image
Tani ayaa imaanaysa xilli Muqdisho ay dhowaan ku biirtey Dalladda Bulshada Bariga Afrika.

MUQDISHO, Soomaaliya - Bangiga Adduunka ayaa wuxuu saadaasha kobaca dhaqaalaha Soomaaliya sanadkan 2023-ka waxa uu sheegay in uu ku yimid hoos-u-dhac gaaraya ilaa 2.8 boqolkiiba, marka loo eego xagaagii hore oo uu ahaa 3.6 boqolkiiba.

Bankiga ayaa waxa uu caddeeyay in dhaqaalaha Soomaaliya uu wali u nugul yahay ku tiirsanaanta xad dhaafka ah ee ganacsiga iyo maalgelinta dibadda, kala duwanaanshaha dhaqaalaha oo xadidan, iyo u nuglaanta masiibooyinka dabiiciga ah.

Dhaqaalaha Soomaaliya ayaa, sidda ku cad warbixinta, waxaa la saadaalinayaa inuu kor u kaco bartamaha sanadkan iyadoo la filayo inuu si tartiib tartiib ah u kordho 3.7 boqolkiiba iyo 3.9 boqolkiiba 2024 iyo 2025, siday u kala horreeyaan.

Si kastaba ha ahaatee, soo kabashada ayaa lagu waddaa in ay adkaato sababo ku aadan abaarta, khalkhalka sahayda badarka ee Ukraine, iyo masiibada caalamiga ah ee isbedelka caalamka,

Soomaaliya ayaa wali ku jirta dariiqa dib-u-habaynta dhaqaalaha in kasta oo ay jiraan dhibaatooyin kala duwan oo caalami ah iyo kuwo dibadda ka yimid kuwaas oo la odrasayo in ay sii wiiqaan dhaqaalaha dalka.

Kobaca dhaqaalaha Soomaaliya ayaa si weyn hoos ugu dhacay 2022 sababo lala xiriiriyay sicir bararka sare u kordhaya ee ka imaanaya dakhliga gudaha iyo baahida dalka wali u qabo kaalmadda dibadeed.

Intaas waxaa wehlisa, aaladaha maaliyadeed ee caalamiga ah kuwaas oo badankooda ka imaanaya colaadaha ka qarxay Bariga Dhexe ee u dhaxeeya Xamaas iyo Yahuuda iyo sare u kaca sicir bararka adduunka oo hakiyay isticmaalka iyo maalgashiga gaarka ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM