Beledwayne oo kala xiran

Image

BELEDWEYNE, Soomaaliya - Magaalada Beledwayne ee xarunta gobalka Hiiraan dhawaana looga dhawaaqay maamulka Hiiraan state ayaa maanta waxaa taagnaa isu socodka bariga iyo galbeedka.

Buundada Liiq-liiqato oo ah mida xiriirisa bariga iyo galbeedka magaalada ayaa lagu gooyay biraha iyada oo la qafulay tan ayaana ka dhalatay Qarixii dhawaan halkaasi ka dhacay.

Labadaan dhinac oo ay u kala badan yihiin Beelaha Xawaadle iyo Gaaljecel ayaan iyagu marna heshiis ku ahayn gulufka ka dhanka Kooxaha dowladnimada kasoo horjeeda.

Beelaha Xawaadle ayaa ahaa kuwa macawiisleydoodu ay hogaanka u ahaayeen bilawga wajiga koowaad ee dagaalka iyada oo dhawaana ciidamo uu hogaaminayo Cali Jeyte Cusmaan ay gaareen Dhuusamareeb.

Xiritaanka Buundada ayaa saamayn xoog leh ku yeeshay isu socodka magaalada iyada oo labada dhinac ay isku tiirsanaayeen.

Haweenka gobalka ayaa dhawaan Qaylo-Dhaan ka muujiyay Qarixii magaaladaas ka dhacay iyaga oo sheegay in la yaqaan halka uu soo maray laakiin ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay maamulka.

Dagaalka kooxahaas iyo gulufka ka dhanka ah ayaa keenay in la adkeeyo isu socodka si looga hortago weerarada iyo waxyeelada rayidka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM