Booliiska dowlad goboleedyada oo helay awoodo dheeraad ah

Image
Booliiska Puntland ayaa isagu ka maqnaa madashii xarunta ku meelgaarka maamulka Jubaland.

KISMAAYO, Jubaland - Shir kusoo gebogeboobay magaalada Kismaayo oo ay yeesheen taliska booliiska heer federaal iyo kan heer dowlad goboleed ayaa laga soo saaray go’aano weji cusub u yeelaya booliiska dalka oo wixii hadda ka horeeyay aysan aad u kala caddayn sida awoodaha u kala xadaysanyihiin.

Waxaa markii ugu horeysey booliiska dowlad goboleedyada loo ogolaanayaa awoodo dheeraad ah sida in ay samaystaan Laanta Dambi Baarista oo loo bixiyay CIU, halkan tan heer federaal ay tahay CID.

Waxaa kale oo dowlad goboleedyada loo ogolaaday in ay samaystaan ciidanka illaalada xeebaha, iyada oo sidoo kale tashi la galinayo arrinta laanta miino baarista oo iyadana in labo heer laga dhigo laga fikarayo.

Xarumaha dhaqancelinta ee DDR ayaa la isla soo qaaday kadib markii uu go’ay dhaqaalihii beesha caalamka ku bixin jirtay, waxaana la sheegay in dhaqaale loo raadin doono xarumaha dowlad goboleedyada ku yaala.

Booliiska dowladda federaalka federaalka ayaa loo dhaafay la macaamilka Booliiska Adduunka ee Interpol, iyada oo ay jiraan mashaariic muhiim ah oo ku xiran arrinkani.

Booliiska Puntland ayaa isagu ka maqnaa madashii xarunta ku meelgaarka maamulka Jubaland oo uu furey taliyaha booliiska federaalka Jeneraal Sulub Axmed Firin. Maqnaanshiyaha Puntland ayaa salka ku haysa go'aan uu gaarey madaxwayne Deni oo ahaa in la hakiyo la shaqeynta maamulka Xasan Sheekh Maxamuud.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Khilaaf xooggan oo ka dhex qarxay Xisbiga Xasan Sheekh

Dhaawaca ugu weyn ee soo gaaray xisbiga ayaa loo arkaa go’aanka uu qaatay xoghayihii xisbiga, Cabdiraaxmaan Odowaa.

  • Soomaliya

    23-03-2026

  • 09:27AM

Dowladda Federaalka oo Shaacisay inuu Idlaaday Muddo-xileedka Hoggaanka Koonfur Galbeed

Ilaa hadda, madaxtooyada Koonfur Galbeed kama soo bixin jawaab rasmi ah oo ku saabsan shaacinta firaaqda xafiiska.

  • Soomaliya

    22-03-2026

  • 09:36PM