Booliska Kenya oo sheegey iney gacanta ku hayaan nin dilal qirtey

Image

KENYA [ Garowe Online + Wakaaladaha]- Qof Somali ah oo Booliska dalka Kenya gacanta ku hayaan ayaa qirtey inuu yahay Xasan Hanafi, isagoo laga raadinayo dalka Somalia madaama uu diley saxafiyiin badan sidaas waxaa wakaalada AP u sheegey sarkaal ka tirsan ciidamada amniga dalkaas.

Ninkaan oo la qabtey horaantii bisha August ayaa wareysi badan oo lala yeeshay qirtey in magaciisa la yiraahdo Xasan Xanafi balse Booliska markii hore u sheegtey magaca la yiraahdo Yusuf Cabdisalan Yusuf. 

Sarkaal diidey in magaciisa la sheego ayaa saxaafada u sheegey in dowladda Somalia ka codsatey dowladda Kenya in Xanafi loo soo wareejiyo Muqdishu madaama dambiyo farabadan ka galey halkaas.

Way adag tahay in Hanafi la ogaado halka uu ka yimid balse waxaa muuqata inuu haysta waraaqaha aqoonsiga dalka Kenya oo rasmiya halka dhinaca Somalia ay adag tahay in la ogaado farahiisa..

Xanafi ayaa mardambe qirtey inuu waraaqaha aqoonsiga dalka Kenya ku heley si sharci daro ah.

Xasan Xanafi ayaa wadanka Kenya u  yimid daawo March 14,2014 kadib markii dhaawac kasoo gaarey qarax Muqdisho ka dhacey 2013.

Ninkaan ayaa dowladda Somalia ku sheegtey inuu yahay sarkaal sare oo ka tirsan xarakada Al-shabaab isagoo dilal farabadan saxafiyiin farabadan kuwasoo lagu diley magaalada Muqdisho.

Somalia ayaa ah halka ugu khatar badan caalamka marka loo eego amaanka saxafyiinta iyadoo dilalkooda kor u kaceen sanadihii u dhexeeyey 2012-20013.

GAROWEONLINE+ WAKAALADAHA

Related Articles

Midowga Afrika oo dib u eegaya hawlgalka xasilinta Soomaaliya

Ugu dambeyn, waxaa la filayaa in Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika uu dhowaan soo saaro war-murtiyeed ku saabsan arrintan.

  • Soomaliya

    22-12-2025

  • 07:20AM

Dhakhtar Kenyan ah oo farriin muuqaal ah soo diray isagoo ku jira gacanta Al-Shabaab

Ilaa iyo hadda, Qaramada Midoobay iyo dowladda Kenya midkoodna kama aysan soo bixin jawaab rasmi ah oo ku aaddan baaqa uu diray Kimiti.

  • Soomaliya

    22-12-2025

  • 06:02AM