CC Warsame: Hassan Sheikh isaga Awoodi isku koobay

Image

Mogadishu-Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo kamid ah Mudanayaasha golaha Shacabka ee Barlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa si wayn u dhaliilay hanaanka madaxweyne Hassan Sheikh uu ku doonayo wax ka badalka Dastuurka.

"Xasan wuxuu dalka ku maamulaa hadda hab madaxtooyo waana ay cadahay. Shirarka isaga dalka matala, Xildhibaanada isaga qaabilaya taas dood kama taagna" ayuu ku yiri waraysi uu siiyay Barnaamijka Awooda Shanaad ee Dalsan Tv.

Hogaamiyahan ku caan baxay Mucaarad-nimada ayaa dadka qeyb ku tilmaamaan in uu u cabiro si aan gabasho lahayn iyada oo mar-marka qaar lagu tilmaamo macalin jaamacadeed oo ka faalooda siyaasadda Soomaaliya taasi oo uu kaga duwan yahay siyaasiyiinta kale.

"Dhaqaale iyo Awood iyo wakhti ha isaga lumin madaxweyne arintaas. Hadii ay Barlamaanka meel mariyaan xitaa aniga ma aqbali doono" ayuu ku yiri isaga oo sii hadlaya.

Kalsoonida Beelaha ayuu ku tilmaamay mid sal u ah hanaankaan Barlamaamiga ah isla markaana aanau suurtagal ahayn in madaxweyne oo kaliya uu iska qaato awooda isaga oo tusaale usoo qaatay madaxweynayaash Puntland iyo Somaliland oo haatan lagu kari la'yahay qabashada Doorashada labadaasi maamul.

Wax ka badalka Dastuurka ayay horey u diideen madaxweynayaal iyo ra'iisul wasaarayaal hore iyaga oo ka digay in isu-dheeli tirnaanta awooda fulinta ee dowlada federaalka ay Dheeliso.

Puntland ayaa iyadu dhawaan ku celisay in aan marna arintaasi qeyb ka ahayn isla markaana aanay aqbalayn.

 

GaroweOnline.

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo xayiraad saartay Duulimaadyadii Baydhabo

Dhinaca kale, Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya (SCAA) ayaa iska fogeysay in ay jirto xanibaad rasmi ah oo ay iyagu soo rogeen.

  • Soomaliya

    17-03-2026

  • 11:32AM

Villa Somalia oo xiriir la samaysay Laftagareen si looga hor tago doorasho inuu qabsado

Falanqeeyayaasha ayaa ka digaya haddii cadaadiskan uu sii socdo, in Laftagareen uu ka bixi karo isbaahaysigii hore.

  • Soomaliya

    16-03-2026

  • 07:27PM