CC Warsame: Hassan Sheikh isaga Awoodi isku koobay

Image

Mogadishu-Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo kamid ah Mudanayaasha golaha Shacabka ee Barlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa si wayn u dhaliilay hanaanka madaxweyne Hassan Sheikh uu ku doonayo wax ka badalka Dastuurka.

"Xasan wuxuu dalka ku maamulaa hadda hab madaxtooyo waana ay cadahay. Shirarka isaga dalka matala, Xildhibaanada isaga qaabilaya taas dood kama taagna" ayuu ku yiri waraysi uu siiyay Barnaamijka Awooda Shanaad ee Dalsan Tv.

Hogaamiyahan ku caan baxay Mucaarad-nimada ayaa dadka qeyb ku tilmaamaan in uu u cabiro si aan gabasho lahayn iyada oo mar-marka qaar lagu tilmaamo macalin jaamacadeed oo ka faalooda siyaasadda Soomaaliya taasi oo uu kaga duwan yahay siyaasiyiinta kale.

"Dhaqaale iyo Awood iyo wakhti ha isaga lumin madaxweyne arintaas. Hadii ay Barlamaanka meel mariyaan xitaa aniga ma aqbali doono" ayuu ku yiri isaga oo sii hadlaya.

Kalsoonida Beelaha ayuu ku tilmaamay mid sal u ah hanaankaan Barlamaamiga ah isla markaana aanau suurtagal ahayn in madaxweyne oo kaliya uu iska qaato awooda isaga oo tusaale usoo qaatay madaxweynayaash Puntland iyo Somaliland oo haatan lagu kari la'yahay qabashada Doorashada labadaasi maamul.

Wax ka badalka Dastuurka ayay horey u diideen madaxweynayaal iyo ra'iisul wasaarayaal hore iyaga oo ka digay in isu-dheeli tirnaanta awooda fulinta ee dowlada federaalka ay Dheeliso.

Puntland ayaa iyadu dhawaan ku celisay in aan marna arintaasi qeyb ka ahayn isla markaana aanay aqbalayn.

 

GaroweOnline.

Related Articles

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM

Bangiga Maalgashiga Yurub oo tixgelinaya inuu amaah siiyo Soomaaliya xilli xiisado jiraan

Go’aankan ayaa soo baxay wax ka yar laba sano kadib markii Soomaaliya laga cafiyay…

  • Soomaliya

    24-08-2025

  • 09:54PM