Ciidamada amaanka oo burburiyay isbaarooyin la dhigtay duleedka Afgooye

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidamada Soomaaliya ayaa maanta howlgallo lagu xaqiijinayo amniga waxa ay ka sameeyeen Duleedka Magaalada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidamada ayaa bartilmaameed u ahaa wadada isku xirta degmooyinka Afgooye iyo Wanlaweyn ee gobolkaasi oo halbowle u ah dhaqdhaqaaqa Bulshada ku dhaqan koonfurta dalka.

Weerarkan ayaa yimid kadib markii ay soo noqnoqdeen cabashooyinka dadka deegaanka ee ku aadan isbaarooyinka ay wadada dhigteen maleeshiyaatd hubeysan.

Saraakiisha ciidamada dowladda ayaa sheegay in ay ka takhalusi doonaan kooxaha dhaca u geysta dadka, isla markaana ay gacanta ku soo dhigi doonaan cid kasta oo dhibaato ku ah bulshada.

Waddada Afgooye - Wanlaweyn ayaa muhiim u ah ganacsatada badeecadahooda ka soo daabula Muqdisho ee taga Baydhabo, waxaana lagu tiriyaa inay tahay mid aan ammaankeedu aad u wanaagsanayn.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM