Soomaaliya: Ciidamada Deegaanka oo weeraray degamada Ceeldheer

Image

CEELDHEER, Soomaaliya - Ciidamada deegaanka ee ka howlgala gobolka Galgaduud ayaa ku guuleystay inay ka fuliyaan degmada Ceeldheer howgal ka dhan ah ururka ‘AS’.

Xoogaga hubaysan ee deegaanka oo haystay xog ay soo siiyeen Bulshada ku nool degmada Ceeldheer ayaa gacanta ku dhigay horjooge si weyn looga yaqaanay deegaanka kaas oo lagu Magacaabo “Cabaas Garoobshe”.

Sidoo kale Ciidanka deegaanka ayaa nafta dhaafiyey xubin ka tirsan ururka ‘AS’ oo magaciisa lagu soo gaabshay “Ilkacase”, waxayna la wareegeen gaari nuuca Leyla Calaawi oo ay adeegsanayeen “AS”.

Howlgalkaan guulaystay ayaa ka mid ah dhowr howlgal oo ciidanka deegaanka iyo kuwa xoogga dalka Soomaaliyeed ay ka sameeyeen deegaano hoostaga gobolka Galgaduud.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM