Ciidamada Dowladda oo ku dhaw inay si buuxda u xoreeyaan gobolka Mudug

Image

Gaalkacyo, Soomaaliya - Ciidamada Xoogga Dalka ayaa howlgallo ka wada deegaanada ay wali uga harsan yihiin kooxaha Xaqjirka ah Gobolka Mudug, iyadoo ay dowladda Federaalka dhawaan shaacisay in tiro horjoogayaal ah oo ka tirsanaa kooxda AS lagu dilay gobolka, qaar kalana ay isa soo dhiibeen.

Howlgallada ayaa inta badan kusoo arooray howdka deegaanka Shabeelow oo ka mid ah deegaanada fara ku tiriska ah ee ku yaala gobolka Mudug kuwaas oo ila haatan uga jira gacanta ‘AS’, waxaana laga gaaray guulo waaweyn sida ay shaacisay warbaahinta dowladda.

Ciidamada Dowladda oo deegaanka ku qaaday weerar dhowr jiho ah ayaa jab xoogan gaarsiiyay xubnaha ka tirsan ‘AS’ ee ku sugnaa aagaas, iyaga oo garab ka helaya ciidamada deegaanka ee loo yaqaan “Macawisley”.

Dadaalkan lagu doonayo in lagu soo afjaro ‘AS’ ay hormuudka u yihiin ciidamada Xooga Dalka ayaa la filaya hadii uu guuleysto in gobolka Mudug uu noqdo gobolka 1-aad ee si buuxda looga xoreeyo ‘AS’ tan iyo markii oo iclaamiyey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxmuud dagaalka ka dhan ah Kooxdan.

GAROWE ONLNE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM