Ciidamada Dowladda oo ku dhaw inay si buuxda u xoreeyaan gobolka Mudug

Image

Gaalkacyo, Soomaaliya - Ciidamada Xoogga Dalka ayaa howlgallo ka wada deegaanada ay wali uga harsan yihiin kooxaha Xaqjirka ah Gobolka Mudug, iyadoo ay dowladda Federaalka dhawaan shaacisay in tiro horjoogayaal ah oo ka tirsanaa kooxda AS lagu dilay gobolka, qaar kalana ay isa soo dhiibeen.

Howlgallada ayaa inta badan kusoo arooray howdka deegaanka Shabeelow oo ka mid ah deegaanada fara ku tiriska ah ee ku yaala gobolka Mudug kuwaas oo ila haatan uga jira gacanta ‘AS’, waxaana laga gaaray guulo waaweyn sida ay shaacisay warbaahinta dowladda.

Ciidamada Dowladda oo deegaanka ku qaaday weerar dhowr jiho ah ayaa jab xoogan gaarsiiyay xubnaha ka tirsan ‘AS’ ee ku sugnaa aagaas, iyaga oo garab ka helaya ciidamada deegaanka ee loo yaqaan “Macawisley”.

Dadaalkan lagu doonayo in lagu soo afjaro ‘AS’ ay hormuudka u yihiin ciidamada Xooga Dalka ayaa la filaya hadii uu guuleysto in gobolka Mudug uu noqdo gobolka 1-aad ee si buuxda looga xoreeyo ‘AS’ tan iyo markii oo iclaamiyey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxmuud dagaalka ka dhan ah Kooxdan.

GAROWE ONLNE

Related Articles

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka digay qorshaha Israel ka damacsan tahay Somaliland

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in Muqdisho ay la xiriirtay bulshada caalamka, oo ay ku jiraan Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-01-2026

  • 12:41PM

Xasan Sheekh oo u safraya Saudi Arabia xilli ay isbeddelayaan xulafada Soomaaliya

Sidoo kale, booqashadan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo dowladda Soomaaliya ay si cad u taageertay mowqifka Sacuudi Carabiya.

  • Soomaliya

    01-01-2026

  • 09:23AM