Ciidamada Dowladda oo la wareegay deegaano hor leh

Image

CAMAARA, Soomaaliya - Ciidanka Qaranka oo kaashanaya ciidanka daraawiishta galmudug iyo cutubyo ka tirsan kuwa deegaanka ayaa ku guulaystay in ay xoreeyaan magaalooyinka Bacaadweyn, Qaycad iyo dhul balaaran oo u dhexeeya Qodqod iyo Camaara.

Dadaalkan wadajirka ah ayaa muujinaya guul weyn oo laga gaaray howlgalka socda ee lagu soo celinayo nabadda iyo xasilloonida Dowlad-Goboleedka Galmudug..

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in Kooxda AS ay isaga baxeen Deegaanka Camaara, maadaama ay ciidamadu la wareegeen dhamaan difaacyaday ay ku ilaalinaayeen magaalada.

Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa si deg deg ah ugu dhaqaaqay duleedka deegaanka Camaara, iyagoo halkaasi ka bilaabay howlgalo sifeyn ah oo ay ku xaqiijinayaan amaanka deegaanada laga saaray 'AS’.

Waxaana la filaya in saacadaha soo socda ay dowladdu si buuxda ula wareegto magaalada Camaara oo ay muddo maamulyeen kooxda argagaxisda ah ee Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidanka Soomaaliya oo La Wareegay Deegaano Muhiim ah oo Ka Tirsan Shabeellaha Hoose

Ciidamada ayaa sidoo kale nadiifiyay qaraxyo dhulka lagu aasay (miinooyin iyo waxyaabaha qarxa ee Al-Shabaab ay dhigeen).

  • Soomaliya

    28-08-2025

  • 05:18AM

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM