Ciidamada Koonfur Galbeed oo fashiliyay gaari qarax siday oo ku wajahnaa Baydhabo

Image
Laamaha ammaanka ayaa xogta gaariga ka helay dadka deegaanka.

BAYDHABO, Soomaaliya - Ciidamada dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa ku guuleystay inay fashiliyaan gaari qarax siday oo ku wajahanaa magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, ka dib markii ay xog ka heleen dadka deegaanka.

Ciidamada Daraawiishta KG oo ku raadjoogay ayaa waxaa u suurtagashay in ay gacanta ku dhigaan gaariga laga soo buuxiyay walxaha qarxa, xilli uu ku sii jeeday magaalada Baydhabo, si uu qaraxyo ismiidaamin ah uga fuliyo.

Laamaha ammaanka ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa war saxaafadeed ay soo saareen ku sheegay in howlgalka uu yimid kadib markii ay heleen xog ku saabsan weerar ay ‘AS’ doonayeen in ay ka fuliyeen magaalada.

Maamulka iyo hay’adaha amaanka Koonfur Galbeed ayaa ku jiray bilooyinkii la soo dhaafay u diyaargarowga iyo dardargelinta wajiga 2-aad ee dagaalka ka dhan “AS” balse ilaa kooxda ayaa go’doomin ku heyso magaalooyinka ugu weyn ee KG.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Ma doonayno in Israa’iil noo timaaddo oo dhibaatooyin noo keento

Wuxuu tallaabada Israa’iil ku tilmaamay mid “aad u murugo leh,” isaga oo ku baaqay in la ixtiraamo sharciga caalamiga ah.

  • Soomaliya

    31-12-2025

  • 08:48PM

Dowladda Soomaaliya oo xoojisay dagaalka siyaasadeed oo ka dhanka qaar ka tirsan maamulada dalka

Su’aal ay dad badan is weydiinayaan ayaa ah sababta si gaar ah Puntland ….

  • Soomaliya

    30-12-2025

  • 06:24PM