Ciidamada oo degaano muhiim ah dib ugala wareegay Al-Shabaab

Image
Mas'uuliyiin ayaa sheegay in xorreyntan degaanadan ay dhabar jab weyn ku tahay maleeshiyada Al-Shabaab.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo garab ka helaya maleeshiyaad deegaanka ah ayaa dib ula wareegay tuulooyinka Ruunirgood iyo Hilowle Gaab oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe, kadib howlgal ay Sabtidii sameeyeen ciidamada.

Sida ay sheegeen dadka deegaanka ciidamada isku dhafka ah ee maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa duleedka tuulooyinka ayaa ku guuleystay inay ka saaraan maleeshiyada Al-Shabaab.

Waxaa socda howlgalo xoogan oo lagu baacsanayo haraadiga maleeshiyaadka qaar, sida uu sheegay mid kamid ah dadka deegaanka.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka iyo dowlad gobolleedka HirShabeelle ayaa sheegay in xorreyntan degaanadan ay dhabar jab weyn ku tahay maleeshiyada Al-Shabaab.

Horaantii Bishan ayuu Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ku dhawaaqay in la bilaabay Wajiga Labaad ee Howlgalka ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda Maamullada Galmudug iyo Hirshabeelle. Howlgalka xiga ayaa lagu wadaa in laga fuliyo deegaanada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hogaamiye Al-Shabaab oo Mareykanka $5 million dul-dhigay madaxiisa oo lagu dilay Jilib 

Dowladda Federaalka ayaa mar kale adkaysay go’aankeeda ah inay sii waddo howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    02-01-2026

  • 07:41AM

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka digay qorshaha Israel ka damacsan tahay Somaliland

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in Muqdisho ay la xiriirtay bulshada caalamka, oo ay ku jiraan Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-01-2026

  • 12:41PM