Ciidamada Soomaaliya oo 16 Sano ka dib la wareegaya amniga madaxtooyada

Image
Munaasabad lagu sagootinayo ciidamada Afrikaanta ayaa lagu qaban doonaa xarunta madaxtooyada.

MUQDISHO, Soomaaliya - Hawlgalka Midowga Afrika ee Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS), ayaa 16-sano ka dib baneyn doona berri oo Axad ah fariisimaha ay ku leeyihiin xarunta Madaxtooyada Qaranka.

Ciidamada ATMIS ayaa sanadihii la soo dhaafay ku howlanaa sugida ammaanka xarunta Madaxtooyada oo ay ku jiraan xafiisyada Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Ra’iisul Wasaaraha iyo sidoo kale xarunta Baarlamaanka.

La-taliyaha Amniga Qaranka, Xuseen Macallin, ayaa tilmaamay in Ciidamada Qalabka Sida ay la wareegi doonaan mas’uuliyadda sugidda ammaanka xarumahan, ka dib marka ay isaga baxaan ciidamada Afrikaanka ah.

Waxaa xusid mudan in maalinta berri oo Axad ah xarunta madaxtooyada lagu qaban doono munaasabad lagu sagootinayo ciidamada Afrikaanka ah oo loogu mahadcelinayo dadaalka ay ugu jireen xaqiijinta amniga xarumo muhiim ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Waa kuwee xubnaha mucaaradka ee ka baxay madasha kuna biiray qorshaha Villa Somalia?

Qoraal guddiga doorashada ee lagu muransan yahay shaqada wajibaadkiisa ayaa lagu…

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 08:49PM

Dagaal ka dhacay Gobolka Gedo oo ku loolamayaan DFS iyo Jubaland

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in weerarka Birta Dheer uu ka mid yahay howlgallo ballaaran oo laga wado gobolka Gedo.

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 07:43AM