Ciidamada Xoogga dalka oo si rasmi ah loogu wareejiyay amniga Madaxtooyada Qaranka

Image
Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay amniga guud ee Madaxtooyada

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay amniga guud ee Madaxtooyada, ka dib 16 sano ay Ciidamada Afrika ee ATMIS ay door ku lahaayeen sugidda amniga Madaxtooyada iyo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Munaasabad ku qabsoomtay Villa Soomaaliya oo ay ka qeyb-galeen Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeye Guuto Ibraahim Sheekh Muxiyadiin, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Cabdixakiim Maxamed Yuusuf iyo Wakiillada Midowga Afriga iyo Qaramada Midoobey ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ugu hambalyeeyey Guutada 77-aad ee Xoogga Dalka la wareegidda masuuliyadda amniga Madaxda dalka ayaa tilmaamay macnaha ay leedahay tallaabadan oo ka tarjumeysa dib u soo laabashada cududda iyo awoodda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeye Guuto Ibraahim Sheekh ayaa kormeeray Ciidamada Ilaalada Madaxtooyada oo u soo bandhigay sida ay ugu diyaarsan yihiin sugidda amniga Madaxda dalka, waxa uuna u mahadceliyey saraakiisha iyo askarta ATMIS ee sanaddada badan ku gacansiinaysa sugidda amniga hoggaanka dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Ma doonayno in Israa’iil noo timaaddo oo dhibaatooyin noo keento

Wuxuu tallaabada Israa’iil ku tilmaamay mid “aad u murugo leh,” isaga oo ku baaqay in la ixtiraamo sharciga caalamiga ah.

  • Soomaliya

    31-12-2025

  • 08:48PM

Dowladda Soomaaliya oo xoojisay dagaalka siyaasadeed oo ka dhanka qaar ka tirsan maamulada dalka

Su’aal ay dad badan is weydiinayaan ayaa ah sababta si gaar ah Puntland ….

  • Soomaliya

    30-12-2025

  • 06:24PM