Coronavirus oo galay Xalane, shaqaale ka tirsan UN-ka oo qaadey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa si rasmi ah wuxuu u xaqiijiyey in qandaraasle ganacsi oo iyaga ka tirsan laga helay caabuqa safmarka ah ee Coronavirus.

Qandaraaslaha ayay sheegeen in muddo sideed maalmood ah ay geliyeen karan-tiil. Waxay intaas ku dareen in ay su'aallo waydiinayaan shaqsiga haddii uu la kulmay dadyow kale.

Howlgalkooda ayay sheegeen in ay u diyaar-garoobeen ka hortagga faafitaanka fayruskaas dilaaga ah.

"Ahmiyadeena koowaad waa in aan daryeelno qandaraaslaheena kana hortagno faafitaanka," ayay raaciyeen.

Mas'uuliyiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya ayay shaaciyeen in ay kala shaqeyn doonan in nidaamka caafimaad ee dalka loo diyaariyo si uu u xakameeyo faafitaan intaas ka badan.

Fowziya Abiikar Nuur, wasiirka caafimaadka Soomaaliya, ayaa sheegtay in ruuxaan ajanbiga ah ee laga helay cudurka uu soo maray wadamo kala duwan uu xanuunkaas uu saameeyay.

Soomaaliya ayaa caalamka waydiisatay in ka badan 57 milyan oo Doolar-ka Mareykanka si ay ula tacaasho xaaladaha la xiriira ka hortagga xanuunkaas oo illaa iyo haatan dunida ku galaaftey in ka badan 24-kun.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo Nairobi uga shiraya khilaafka doorashooyinka

Golaha ayaa la filayaa inuu ka arrinsado tallaabooyinka uu ka qaadayo qorshaha doorashooyinka ee dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 09:40AM