Coronavirus: Soomaaliya oo kiiskii sadexaad laga helay "qof ajnabi ah"

Image

MUQDISHO, Soomaaliya — Wasaaradda Caafimaadka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Jimcada maanta ah waxay si rasmi ah ugu dhawaaqay kiiskii saddexaad oo fayruska Corona ah.

Fowziya Abiikar Nuur, wasiirka wasaaradaas, ayaa shaaca ka qaadey in kiiska saddexaad la xaqiijiyey in uu soo ritay "qof ajanbi ah".

Barnaamijka Kulanka Todobaadka ee ka baxa Telefishinka Qaranka ayay ka sheegtay in ruuxaan uu kamid yahay howlwadeenada xerada Xalane, wallow aysan fahfaahin ka bixin.

Shaqsigaas oo aysan kala caddeyn waaxda uu ka tirsan yahay ayay daboolka ka qaadey "in loosoo sheegay in uu soo maray wadamada uu saameeyay caabuqaas faafa".

Sidda laga soo xigtay wasiir Fowziya, bukaanka ayaa lagu karan-tiilayaa gudaha Xalane, oo ah fariisinka ugu weyn ee diblumaasiyiinta caalamka.

Shalay oo Khamiis ah ayay ahayd markii xukuumadda ay ku dhawaaqdey kiiskii labaad ee xanuunkaas. Sarkaal ka tirsan ciidamadda Soomaaliya oo ka yimid dalka Talyaaniga ayuu soo ritay fayruska.

Bishaan Maaj 16-keeda ayay ahayd markii kiiskii koowaad laga helay muwaadin kasoo safray Shiinaha, oo ah dalka uu kasoo bilowday xanuunka.

Dhinaca kale, wasiir Fowziya oo u muuqatay mid ka jawaabeysa tuhun la geliyey kiiska labaad ayaa meesha ka saartey shakigaas, waxayna ku adkeysatay in ay hubiyaan shaacinta kiisaska cudurka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM