Daadad khasaare sababay oo ku soo rogmaday magaalada Beledweyne

Image

BELEDWEYNE, Soomaaliya - Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxaa ka dhacay daadad guryaha u galay dadka deegaanka ah iyaga oo u soo hayaamay tuulooyinka dariska la ah Beledweyne.

Roobabkan oo ahaa mid xooggan ayaa sababay in heerka biyaha wabiga Shabeelle ay sare u kacaan, taasoo keentay fatahaado xooggan oo khasaare hantiyeed gaarsiisay dad badan oo ka dhaqan magaaladaas..

Sanadihii lasoo dhaafay magaalada Beledweyne waxaa kusoo noqnoqday fatahaad uu sameeyo Wabiga Shabeelle oo dhex mara magaalada, inkastoo la isku dayay in xal waara loo helo, hadana laguma guuleysan.

Dadka deegaanka ayaa ka codsaday Dowladda Federaalka in ay ka caawiso dhanka cunnada, biyaha iyo hoyga. iyada oo ay dowladdu waa hore ka digtay roobab xoogan oo ka da’aya geyiga dalka oo wato daadad.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM