Dad Shacab ah oo Gaajo ugu geeriyooday magaalada Beledweyne

Image

BELEDWEYNE, Soomaaliya - Mayarka Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan Nadar Tabaax Maalin ayaa faah faahisay saameynta Fatahaadda wabigu ka geystay Magaaladaas.

Maayarka Magaalada Baledweyne ayaa sheegtay in xaalad adag ay wajahayaan shacabka ku nool Baledweyn oo ka qaxay fatahaada wabiga Shabeelle, islamarkaana afarta xaafad ee magaalada ka koobantahy uu si isku mid ah ay biyihu u sameyeen

Sidoo kale waxa ay sheegtay in wali xafadaha qaar ay jiraan dad shacab ah oo ku go’doonsan, xaafadda Buundaweyne ayay sheegtay in ay Gaajo ugu geeriyoodeen saddex carruur ah, kadib markii ay ku go’doomeen, kuwa kalana ay la il daranyihin xaalado nafaqa darri oo u baahan in si dagdag ah looga jawaabo

Nadar Tabaax Maalin ayaa ugu baaqday hay’addaha gargaarka in shacabka ay caawiyaan oo ay ka qeyb qataan gurmadka loo sameynayo Qoysaska ay fatahaadu sameeysay.

Duqa Magaalada Baledweyne ayaa sheegtay in Hay’adda SoDMA ay saddax deyaaradood oo gargaar ah soo gaarsiisay, balsa sidaa ay Sheegtay wali kaalma intaa ka badan ay u baahanyihin shacabka Magaalada Beledweyne oo inta badan ka barakacay xaafadaha magaaladaasi.

Daadad ka dhashay Roobka deyrta iyo fatahaad uu sameeyay wabiga shabeelle oo isbiirsaday ayaa sababay khasaaro isugu jira dhimasho, burbur iyo barakac intaba, waxaana Magaalada Baledweyne gabi ahaanba buux dhaafiyay biyo aad u fara badan oo sababay in dadkii dhamman ay faarujiyaan magaalada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM