Dani oo wajahayo duufaano siyaasadeed & Mucaaridka oo afka furtay

Image

GAROWE, Soomaaliya - Mucaaridka Puntland ayaa ku dhawaaqay shirweyne ay uga arrinsanaayaan xaaladda siyaasadeed ee ka taagan Puntland, kaasi oo magaalada Garowe ka dhici doona 10-ka bishan, sida ay ku sheegeen shir Jaraa’id ay maanta qabteen.

Mucaaridka ayaa ka tashan doona doorashooyinka Puntland iyaga oo ka wada hadli sidii looga bixi lahaa xaaladda siyaasadeed ee xakiran, waxayna sheegeen inay tutbta toosan ku soo celin doonaan Puntland.

Siyaasiyiinta ayaa sidoo kale ka hor yimid hanaanka doorashada ee hal dhinac ka raran kaas oo ugu dambeyn horseeday in degmada Boosaaso ay yeelato laba Maayar, iyaga oo yiri:

“Dadka damiirkoodii in lagu ciyaaro ma ahan, waa la wada ogyahay in doorasho qof iyo Cod aan lagu qaba karin 3 bilood. Anagoo og waxa ka dhacay Boosaaso, sidee ugu aamini karnaa doorasho Barlamaan iyo mid Madaxtinimo?”.

Mucaaridka ayaa sheegay in waxa uu doonayo Madaxweynaha Muddo xileedkisa sii dhamaanayo ee Saciid Dani uu yahay Muddo kororsi taas oo aan laga aqbali doonin sida ay hadalka u dhigeen.

Shirkan ee mucaaridku iclaamiyeen ayaa ku so aadaya xilli laga cabsi qabo in Puntland ka dhacdo qalalaase sabab u ah hanaanka doorashada oo aan la isku waafaqsaneen iyo talada Puntland oo ku soo aroortay hal shaqsi oo maqane ka ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka digay qorshaha Israel ka damacsan tahay Somaliland

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in Muqdisho ay la xiriirtay bulshada caalamka, oo ay ku jiraan Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-01-2026

  • 12:41PM

Xasan Sheekh oo u safraya Saudi Arabia xilli ay isbeddelayaan xulafada Soomaaliya

Sidoo kale, booqashadan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo dowladda Soomaaliya ay si cad u taageertay mowqifka Sacuudi Carabiya.

  • Soomaliya

    01-01-2026

  • 09:23AM