Darajo ka xayuubinta Saadaq Joon oo lagu sifeeyay "sharci daro"

Image

MUQDISHO, Soomaalia – Madaxweynaha muddo xileedkiisa dastuuriga ah uu dhamaadey ayaa wuxuu dhaleeceyn kala kulmay darajo ka xayuubin uu ku sameeyay Taliyihii booliska gobolka Banaadir, Saadaq Joon.

Warbaahinta ku hadasha afka dowladda oo baahisay jago ka xayuubinta Saadaq Joon iyaddoo xiganeysa wareegto madaxwayne ayaa waxay ku eedeysay sarkaalka in uu ku kacay falal "qaran dumisnimo ah".

Saadaq Joon oo ahaa Gaashaanle Sarre ayaa dhowaan wuxuu mucaaradey maamulka Farmaajo, iskuna dayey in uu baajiyo fadhiga Aqalka Hoose ee kalkii dambe muddo kororsiga loogu sameeyay dowladda.

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo qoraal ku daabacay bartiisa gaarkaa h ee Facebook ayaa "sharci darro" wuxuu ku qeexay talaabdan.

"Farmaajo caawa wuxuu sheegay in uu Darajadii Ciidanka ka xayuubiyay Taliyihii Booliska Gobalka Banaadir Gen Saadaq Joon," ayuu yiri.

Wuxuu hadalkiisa intaas kusii daray: "Sida ku cad Xeerka Ciqaabta Ciidamada Qalabka Sida qodobada 21aad, 22aad, 23aad iyo 24aad Sharci Lr.2 ee soo baxay 1963 waxaa sarkaal derajo ka qaadis ciidan, shaqo ka joojin ama laalid derajada lagu sameyn karaa marka maxkamadda ciidamada qalabka-sida ay ku caddeeyso danbi, xukunna ku dhaco".

"Farmaajo sidii shalay uu u kufsaday sharciga ayuu maanta mar kale horteena ku kufsanayaa. Hadii ay jirtay cid wali rajo ku xireysay Farmaajo maanta waa laga wada dheregsanyahay waallidiisu heerka ay gaarsiisantahay. Sidaas daraadeed war iyo wax la sheego ma harin ee haloo diyaar garoobo sidii Farmaajo la isaga qaban lahaa inta goori goor tahay," ayuu kusoo xiray.

Saadaq Joon oo ku jiray saraakiisha booliska ee daacadda u ah maamulka Farmaajo ayaa haatan la saftay mucaaradka oo bilaabay in ay qorshe ay ku kala jebinayaan mas'uuliyiinta xukuumadda si ay u cadaadiyaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo furay Kal-fadhigga 58-aad ee Gollaha Wakiillada Dowladda Puntland

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid.

  • Soomaliya

    15-06-2026

  • 11:46AM

Axmed Madoobe oo Weerar Afka ah ku Qaaday Dowladda Federaalka, Kuna Eedeeyay inay Dalka Dib u Burburinayso

Munaasabadda xiritaanka tababarka oo ka dhacday Jubbaland ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 09:48AM