DF oo shaacisay Warbixinta ugu dambeysay ee khasaaraha ka dhashay Xaaladda El-Niño

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta shaacisay Khasaaraha ka dhalatay daadka ku soo rogmaday qeybo ka mid ah dalka.

Warbixintan ay soo saartay hay'adda maaraynta Masiibooyinka oo lagu sheegay natiijada ugu dambaysay ee khasaaraba ayaa lagu daabacay baraha rasmiga ee Dowaldda.

Roobabka mahiigaanka ah El-Niño Iyo fatahaadaha ayaa saameeysay dowlad gobolleedyada, (Gulmudug, Hirshabeele, Koofur Galbeed iyo Jubaland ).

Warbixinta ayaa lagu sheegay in daadadka in ay saameyeen ku dhawaad hal Milyan oo qof, waxaana ku barakacay 590 Kun, halka ay ku dhinteen 42 ruux.

Waxaa sidoo kale ka dhashay khasaare hantiyeed oo ah kuwoo gaarka loo leeyahay oo gaaraya 5321 Guri iyo Hanti Guud oo kala ah Buundada Baardheere & Buurdhubo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo u safraya Saudi Arabia xilli ay isbeddelayaan xulafada Soomaaliya

Sidoo kale, booqashadan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo dowladda Soomaaliya ay si cad u taageertay mowqifka Sacuudi Carabiya.

  • Soomaliya

    01-01-2026

  • 09:23AM

Xasan Sheekh: Ma doonayno in Israa’iil noo timaaddo oo dhibaatooyin noo keento

Wuxuu tallaabada Israa’iil ku tilmaamay mid “aad u murugo leh,” isaga oo ku baaqay in la ixtiraamo sharciga caalamiga ah.

  • Soomaliya

    31-12-2025

  • 08:48PM