DF Soomaaliya oo ka falcelisay hadalkii Erdogan ee shidaal sahminta

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka gaabsatay in ay xaqiijiso ama beeniso hadal kasoo yeeray madaxweynaha Turkiga oo ahaa in Muqdisho ay ku casuuntay in shidaal sahmin ay ka bilaabaan Badweynta Hindiya.

Wasiirka batroolka, Cabdirashiid Maxamed, ayaa sheegay in aan la gaarin xilliggii la gudo geli lahaa howlaha sahminta shidaalka isla markaasna ay weli qabyo yihiin qorsheyaal loo bahaan yahay in la dhameystiro.

Hadalkaan waxaa wasiirka kasoo xigatay warbaahinta ku hadasha afka dowladda gaar ahaan Wakaalada wararka Qaranka ee SONNA.

Wasiirka ayaa wakaaladda u sheegay "dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga waxaa naga dhaxeeyo xiriir wax wax wada qabsi ah".

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa sidoo kale ku nuux-nuux saday in howsha batroolka ay ahaan doonto mid daahfuran.

Madaxweyne Rajab Tayib Erdogan ayaa shaaciyey in caasuumaad rasmi ah ay ka heleen dowladda Soomaaliya taasoo ku aaddan in Turkiga uu sahmin shidaal ka sameeyo Badweynta Hindiya inta ay ka leedahay Soomaaliya.

Sidda sheegtay wasaaradda batroolka Soomaaliya, illaa iyo 15 xirmo shidaal ayaa diyaar ah in la maalgeliyo si looga soo saaro saliid.

Soomaaliya ayaa kamid ah dalalka leh kheyraadka ugu badan ee dhanka badda balse aanan uga faa'iideysan sidii loo baahnaa, hase ahaatee, dowladihii talada waddanka isaga kala dambeeyay ay dedaal badan geliyeen sidii loosoo saari lahaa saliida.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM