Dood kulul oo dhex martay xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka

Image
SAWIR HORE

Muqdisho, Somalia - Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka wada hadlay dhameystirka qorista dastuurka Soomaaliya, iyadoo kalfadhigaas uu ka dhacay khilaaf xooggan oo u dhexeeya xildhibaannada.

Qadiyada Somaliland ayaa si kulul looga doodday, iyadoo mudanayaasha qaar ay kalfadhiga ka sheegeen inaan laga doodi karin dastuurka inta ay Somaliland maqantahay.

Xildhibaanada qaar ayaa ka soo horjeestay in si cad dastuurka loogu sheego magaca gobolada waqooyi ee Somaliland, maadaama aan la isku raacsaneyn qeextiaanka waxa ay yihiin goboladaasi, sida ay hadalka u dhigeen.

Iska horimaadyadii dhawaan ka dhacay gobolka Sool ayaa sii huriyay khilaafka u dhaxeeya xildhibaanada baarlamaanka ee kala matalaya dowlad goboleedyada dalka, gaar ahaan xildhibaanda Somaliland iyo Puntland.

Qaar ka mid ah xildhibaanda Puntland ayaa tilmaamay in Madaxweyne Siciid Dni uu ka maqanaa shirarkii golaha wadatashiga qaran ee looga hadlay dastuurka, taas oo micnaheedu yahay in aanay Puntland lagala tashan dhameystirka Dastuurka.

Waxaana xusid mudan in Deni uu dhawaan xaqiijiyey in Puntland ay cidina kala hadli doonin dhameystirka dastuurka inta ay Somaliland maqantahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM