Doolow: Shaqaaqo ka dhalatay dilka taliye oo shan qof u dhinteen

Image
Dhacdadan ayaa waxaa ku dhintay afar askari, waxaana la sheegay in ay xaaladda uga sii dartay.

KISMAAYO, Jubaland - Maleyshiyo hubeysan ayaa weerar ku qaaday garoonka diyaaradaha Dooloow, halkaas oo laga dhoofin rabay sarkaal la sheegay in uu xabsiga ku dhex dilay askari uu ku socday baaritaan la xiriira dilka taliye ciidan.

Dhacdadan ayaa waxaa ku dhintay afar askari, waxaana la sheegay in ay xaaladda uga sii dartay. Mas'uuliyiin heer maamul iyo heer federaal ayaa la sheegay in ay soo farageliyeen qadiyadda.

Arrinka waxa uu ka bilowday 18-kii bishan oo qarax sariirtiisa loogu xirey lagu diley taliyihii ururka 28-aad ee ciidanka xoogga dalka ee Balad Xaawo Korneyl Maxamed Aways.

Labo askari ayaa loo xirey qaraxaasi oo ku dhacay siyaabo shaki leh, balse sarkaal ka socday maxkamadda ciidamada ayaa la sheegay in uu midkood ku dhex dilay xabsigii.

Waxaa gobolka Gedo ku sugan wafdi ka socda maxkamadda ciidamada oo uu hoggaaminayo Korneyl Shuute, wuxuuna sheegay in uu wax ka qaban doono dilal dhawr ah oo shaki leh oo ka dhacay gobolka, kana mid yahay dilkii Korneyl Bakaal Kooke.

GAROWE ONLINE

Related Articles

OIC oo si adag u diiday aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland, taageerayna midnimada Soomaaliya

Sacuudi Carabiya, Masar iyo Pakistan ayaa ku tilmaamay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland mid sharci-darro ah oo halis ku ah amniga gobolka.

  • Soomaliya

    11-01-2026

  • 09:42AM

Fiqi oo ka digay qorshaha Israel ee dalka Soomaaliya 

Hadalka wasiirka ayaa daba socda xiisad ka dhalatay go’aankii Israa’iil ay 26-kii Diseembar ku aqoonsatay madax-bannaanida Somaliland.

  • Soomaliya

    11-01-2026

  • 09:14AM