Dowladda Itoobiya oo "wafdi heer sare ah" usoo diray Soomaaliya

Image
Image
Aadan Faarax Ibraahim oo ah ku xigeenka xisbiga Barwaaqo ee talada haya ee Itoobiya ayaa hogaaminaya wafdigan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wafdi heer ah oo ka socda dowladda Itoobiya ayaa Talaadada maanta ah waxay soo gaareen caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, sidda ay shaacisay Wasaarada Arrimaha Dibadda.

Aadan Faarax Ibraahim oo ah ku xigeenka xisbiga Barwaaqo ee talada haya ee Itoobiya ayaa hogaaminaya wafdigan oo uu qeyb ka yahay Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibedda Ethiopia Mudane Mesganu Arega.

Wasiirka arrimaha dibadda dowladda federaalka Soomaaliya, Abshir Cumar Jaamac [Haruushe] ayaa wafdigan kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde.

Haruushe oo qoraal ku daabacay ciwaankiisa gaarka ah ee Facebook-ga ayaa xaqiijiyey in ujeedada socdaalka wafdigan ay qeyb ka tahay "xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dowladood".

"Waxaan maanta ku soo dhoweeyay Caasimadda Muqdisho wafdi heer sare ah oo ka socda Jamhuuriyadda Federaalka Ethiopia uuna hoggaaminayo mudane Aadan Faarax Ibraahim oo ah ku xigeenka xisbiga Barwaaqo ee talada haya, waxaana xubnaha wafdiga ka mid ah Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibedda Ethiopia Mudane Mesganu Arega," ayuu yiri.

Wuxuu raaciyey: "Kulan hordhac ah oon yeelanay waxaan isla soo qaadnay xoojinta xiriirka iyo Iskaashiga labada dal ee deriska ah. Wafdiga ayaa la kulmi doona Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud".

Socdaalka wafdigan ayaa kusoo hagaagaya xilli Soomaaliya ay isku-diyaarineyso daahfurka wajiga labaad ee gulufka ka dhanka ah maleyshiyaadka Al-Shabaab ee gacansaarka la leh ururka argagixisada Al-Qaacida.

Xukuumadda Addis Ababa ayaa kamid ah wadamadda dariska Kenya iyo Jabuuti kuwaasoo ciidamo dheeraad ah oo aan kamid ahayn taliska ATMIS usoo diraya Muqdisho si ay u xoojiyaan howlgaladda ciidamada xooga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

OIC oo si adag u diiday aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland, taageerayna midnimada Soomaaliya

Sacuudi Carabiya, Masar iyo Pakistan ayaa ku tilmaamay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland mid sharci-darro ah oo halis ku ah amniga gobolka.

  • Soomaliya

    11-01-2026

  • 09:42AM

Fiqi oo ka digay qorshaha Israel ee dalka Soomaaliya 

Hadalka wasiirka ayaa daba socda xiisad ka dhalatay go’aankii Israa’iil ay 26-kii Diseembar ku aqoonsatay madax-bannaanida Somaliland.

  • Soomaliya

    11-01-2026

  • 09:14AM