Dowladda Itoobiya oo "wafdi heer sare ah" usoo diray Soomaaliya

Image
Image
Aadan Faarax Ibraahim oo ah ku xigeenka xisbiga Barwaaqo ee talada haya ee Itoobiya ayaa hogaaminaya wafdigan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wafdi heer ah oo ka socda dowladda Itoobiya ayaa Talaadada maanta ah waxay soo gaareen caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, sidda ay shaacisay Wasaarada Arrimaha Dibadda.

Aadan Faarax Ibraahim oo ah ku xigeenka xisbiga Barwaaqo ee talada haya ee Itoobiya ayaa hogaaminaya wafdigan oo uu qeyb ka yahay Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibedda Ethiopia Mudane Mesganu Arega.

Wasiirka arrimaha dibadda dowladda federaalka Soomaaliya, Abshir Cumar Jaamac [Haruushe] ayaa wafdigan kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde.

Haruushe oo qoraal ku daabacay ciwaankiisa gaarka ah ee Facebook-ga ayaa xaqiijiyey in ujeedada socdaalka wafdigan ay qeyb ka tahay "xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dowladood".

"Waxaan maanta ku soo dhoweeyay Caasimadda Muqdisho wafdi heer sare ah oo ka socda Jamhuuriyadda Federaalka Ethiopia uuna hoggaaminayo mudane Aadan Faarax Ibraahim oo ah ku xigeenka xisbiga Barwaaqo ee talada haya, waxaana xubnaha wafdiga ka mid ah Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibedda Ethiopia Mudane Mesganu Arega," ayuu yiri.

Wuxuu raaciyey: "Kulan hordhac ah oon yeelanay waxaan isla soo qaadnay xoojinta xiriirka iyo Iskaashiga labada dal ee deriska ah. Wafdiga ayaa la kulmi doona Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud".

Socdaalka wafdigan ayaa kusoo hagaagaya xilli Soomaaliya ay isku-diyaarineyso daahfurka wajiga labaad ee gulufka ka dhanka ah maleyshiyaadka Al-Shabaab ee gacansaarka la leh ururka argagixisada Al-Qaacida.

Xukuumadda Addis Ababa ayaa kamid ah wadamadda dariska Kenya iyo Jabuuti kuwaasoo ciidamo dheeraad ah oo aan kamid ahayn taliska ATMIS usoo diraya Muqdisho si ay u xoojiyaan howlgaladda ciidamada xooga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo ka digay cawaaqibka ka dhalan kara tallaabo militari oo lagu qaado mucaaradka

Madaxweynihii hore ayaa sidoo kale diiddan in doorashooyinka dalka loo wajaho hannaan aysan dhammaan dhinacyada siyaasadeed isku raacsanayn.

  • Soomaliya

    11-10-2026

  • 08:32PM

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM