Dowladda Soomaaliya oo codsi cusub u dirtey Bangiga Adduunka

Image
Floribert Ngaruko, oo ah Agaasimaha Bangiga Adduunka ee Afrika (Group 1), ayaa booqasho ku yimid Muqdisho.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Saalax Axmed Jaamac ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Dr. Floribert Ngaruko oo ah Agaasimaha Bangiga Adduunka ee Afrika (Group 1).

Ngaruko ayaa ku ammaanay dowladda Soomaaliya dadaalkii ay muujisay si ay usoo gaarto barta dhammaadka hannaanka deyn cafiska oo soo gaba-gaboobay 13 bishan Diseembar ee aynu ku jirno.

Saalax ayaa kala hadlay masuulkan sidii Bangigu uga taageeri lahaa Soomaaliya qorshaha deyn cafiska kadib, isaga oo uga mahad-celiyay Agaasimaha doorkii uu bangiga ka qaatay dhammaystirka hannaanka deyn cafiska.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa xusay inay ka dawlad ahaan ballan qaadayaan inay sii xoojin doonaan sii wadista dib-u-habaynta dhaqaalaha, koboca dakhliga gudaha, la dagaallanka musuqa iyo ka miraa-dhalinta hiigsiga xukuumadda DanQaran ee isku filnaansho dhaqaale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Ma doonayno in Israa’iil noo timaaddo oo dhibaatooyin noo keento

Wuxuu tallaabada Israa’iil ku tilmaamay mid “aad u murugo leh,” isaga oo ku baaqay in la ixtiraamo sharciga caalamiga ah.

  • Soomaliya

    31-12-2025

  • 08:48PM

Dowladda Soomaaliya oo xoojisay dagaalka siyaasadeed oo ka dhanka qaar ka tirsan maamulada dalka

Su’aal ay dad badan is weydiinayaan ayaa ah sababta si gaar ah Puntland ….

  • Soomaliya

    30-12-2025

  • 06:24PM