Dowladda Soomaaliya oo codsi deyn cafin ah u dirtay Serbia

Image
Ra'iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa soojeedintan u diray dhigiisa waddankaas, Ana Brnabić.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa wadahadalka dhanka khadka telefoonka waxa uu la yeeshay dhigiisa Seerbiya, Ana Brnabić, sidda uu shaaciyey xafiiskiisa warfaafinta.

Labada mas'uul ayaa, sidda ku cad war-saxaafadeedka, waxay ka wada hadaleen xoojinta iyo adkeynta iskaashiga iyo xiriirka wax wada qabsi ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Seerbiya.

"Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa kala hadlay in Dowladda Seerbiya inay naga cafiso deynta kadib markii uu sharraxaad ka siiyay hiigsiga Xukuumadda #DanQaran iyo shaqada ay ka qabatay hannaanka iyo dhameystirka shuruucda muhiimka u ah deyn cafinta," ayaa la raaciyey bayaanka.

Qoraalka ayaa lagu soo xiray: "Dowladda Seerbiya oo kaalmada bina’aadanimo soo gaarsiisay dadkeenna xilligii ay abaartu jirtay, ayaa Ra’iisul Wasaaruhu ugu mahadceliyay, isagoo ku bogaadiyay in ay kordhiyaan tirada deeqaha waxbarasho ee ay dalkeenna siiyaan".

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda dhowaan u magacaabay Xasillinta iyo Ilaalinta Arrimaha Rayidka ee goobaha dagaallada, Maxamed Cabdi Waare.

"Ra'iisul Wasaare Xamse ayaa ku tilmaamay Mudane Waare in uu yahay Khabiir aqoon durugsan u leh arrimaha loo magacaabay, xukuumadduna ay ku gacan siin doonto gudashada waajibaadkiisa," ayuu yiri xafiiska Xamse.

Qoraalka ayaa lagu soo xiray: "Ra'iisul Wasaaraha ayaa kula dardaarmay Ergayga in uu mudnaanta siiyo ilaalinta xuquuqda dadka rayidka ah ee ku nool goobaha laga xoreynayo argagixisada, maadaama la bilaabi doono wajiga labaad ee howlgallada dalka looga xoreynayo Khawaarijta, isla markaana uu xaqiijiyo in dadka ku sugan deegaannada la xoreeyo la gaarsiiyo adeegyada dowladda".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Khilaaf xooggan oo ka dhex qarxay Xisbiga Xasan Sheekh

Dhaawaca ugu weyn ee soo gaaray xisbiga ayaa loo arkaa go’aanka uu qaatay xoghayihii xisbiga, Cabdiraaxmaan Odowaa.

  • Soomaliya

    23-03-2026

  • 09:27AM

Dowladda Federaalka oo Shaacisay inuu Idlaaday Muddo-xileedka Hoggaanka Koonfur Galbeed

Ilaa hadda, madaxtooyada Koonfur Galbeed kama soo bixin jawaab rasmi ah oo ku saabsan shaacinta firaaqda xafiiska.

  • Soomaliya

    22-03-2026

  • 09:36PM