Dowladda Soomaaliya oo sheegatay dilka 3,000 Al-Shabaab ah

Image
Howlgalada ciidamada ee ka dhanka ah kooxda hubeysan ayaa hakad ku jiray dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidamada oo gacan ka helaya dadka deegaanka ay Al-Shabaab ka faro-maroojiyeen illaa 70 tuulo dhowrkii bilood lasoo dhaafay.

"Dowladdu waxaa ka go’an xaqiijinta in ciidamada XDS ay fuliyaan howlgallada socda si ay si adag ugu hoggaansamaan waajibaadka ka saaran shuruucda caalamiga ah ee bini’aadantinimada, sharciga xuquuqul insaanka, shareecada Islaamka, iyo xeerarka dhaqanka Soomaaliyeed ee dagaalka," ayaa lagu yiri warka qoraalka ah.

Sidda laga soo xigtey war-saxaafadeedka wasaaradda, howlgalada dhacay tan iyo bishii August ayaa waxaa lagu khaarijiyey in ka badan 3,000 Al-Shabaab ah waxaana ku dhaawacmay 3,700 kale.

Ciidamada dowladda ayaa kordhiyay weerarada ka dhanka ah Al-Shabaab tan iyo markii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud la doortey bishii May ee sanadkii lasoo dhaafay 2022-kii.

Hadalka wasaaradda ayaa kusoo hagaagaya xilli ay socdaan qaban-qaabadii ugu dambeysay ee daahfurka wajiga labaad ee howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab kuwaasoo ka bilaabaya gobolada waddanka.

Koonfur Galbeed, HirShabelle, Galmudug iyo Jubaland ayaa kamid ah meelaha ay ka bilaaban doonan howlgaladda iyadda oo ay ciidamo ka imaanaya Itoobiya, Kenya iyo Jabuuti ay ku biiri doonan.

Howlgalada ciidamada ayaa hakad ku jiray dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay. Saraakiisha waxay hakadkan ku sababeeyeen dib-u-qaabeynta istaraatiijiyadda iyo sahay la'aan si gaar ah dhanka hubka iyo gaadiidka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

OIC oo si adag u diiday aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland, taageerayna midnimada Soomaaliya

Sacuudi Carabiya, Masar iyo Pakistan ayaa ku tilmaamay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland mid sharci-darro ah oo halis ku ah amniga gobolka.

  • Soomaliya

    11-01-2026

  • 09:42AM

Fiqi oo ka digay qorshaha Israel ee dalka Soomaaliya 

Hadalka wasiirka ayaa daba socda xiisad ka dhalatay go’aankii Israa’iil ay 26-kii Diseembar ku aqoonsatay madax-bannaanida Somaliland.

  • Soomaliya

    11-01-2026

  • 09:14AM