Dowladda Soomaaliya oo xayiraadda safarada ka qaadeysa Gedo

Image
Talaabadan ayaa u muuqata mid lagu barxayo miisaanka iyo cabashada siyaasiyiinta qaar oo meel adag taagan.

KISMAAYO, Jubaland - Warar ayaa sheegaya in kadib socdaalkii madaxweyne Xasan Sheekh ee Kismaayo la go’aamiyay in xayiraadda safarada laga qaado siyaasiyiinta gobolka Gedo si ay ugu socdaalaan karaan gobolkaasi.

Intii uu jiray maamulkii hore ee looga guuleystay doorashadii May, 15, 2022, marar badan oo hore ayaa siyaasiyiin kala duwan uu u safri lahaa gobolkaasi laga celiyay garoonka Aadan Cabdulle Cusmaan.

Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka federaalka ayaa kamid ahaa xubnaha is-hortaagga lagu sameeyay. Mudadaas, waxaa aad u hooseeyay xiriirka ka dhaxeeya Jubaland iyo dowladda federaalka.

Haatan maadaamaa madaxweyne Xasan Sheekh uu maalmo kadib ku wajahan yahay magaalada Garbahaarey, ayaa waxaa la doonaya in siyaasiyiinta inta haleeli karta iyo waxgaradka ay tagaan gobolkaasi, kuwaas oo qaarkood ka imanaya dalka dibadiisa.

Dowladda federaalka ayaa doonaysa in shirka Garbahaareey ay ka qeygalaan dhammaan beelaha degan gobolka, kuwaas oo qaarkood uusan wax muran siyaasadeed kala dhaxaynin maamulka Jubbaland ee Axmed Madoobe.

Talaabadan ayaa u muuqata mid lagu barxayo miisaanka iyo cabashada siyaasiyiinta qaar oo meel adag taagan. Qadiyada gobolka Gedo ayaa xudun u ahayd xasarado siyaasadeed oo ka taagnaa dalka shantii sano lasoo dhaafay.

Shirka ka qabsooaya Garbahaareey ayaa loo arkaa fursad muhiim ah oo ay iskula-jaan-qaadi karaan dowladda federaalka iyo Jubaland isla markaana dardargelin kara dagaalka looga soo horjeeda maleyshiyada Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Khilaaf xooggan oo ka dhex qarxay Xisbiga Xasan Sheekh

Dhaawaca ugu weyn ee soo gaaray xisbiga ayaa loo arkaa go’aanka uu qaatay xoghayihii xisbiga, Cabdiraaxmaan Odowaa.

  • Soomaliya

    23-03-2026

  • 09:27AM

Dowladda Federaalka oo Shaacisay inuu Idlaaday Muddo-xileedka Hoggaanka Koonfur Galbeed

Ilaa hadda, madaxtooyada Koonfur Galbeed kama soo bixin jawaab rasmi ah oo ku saabsan shaacinta firaaqda xafiiska.

  • Soomaliya

    22-03-2026

  • 09:36PM