Duqeyn cirka ah oo ka dhacday fariisinka ugu weyn kooxda Al-Shabaab

Image
Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo Mareykanka midkoodna wax war ah kama soo saarin howlgalkan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka ayaa fiidnimadii Axadda waxa ay beegsadeen degaan ku yaalla xarunta Al-Shabaaab ee degmada Jilib gobolka Jubbada Dhexe.

Ilo wareedyo kala duwan oo dhanka ammaanka ah ayaa waxa ay tibaaxeen in la maqlay labo qarax oo waaweyn oo ka dhacay degaan xudun u ah horjoogayaasha gacan-saarka la leh Al-Qaacida.

Khasaaraha ka dhashay duqeyntan ayaan weli si rasmi ah loo ogeyn, inkastoo ay wararku ay tibaaxayaan in uu jiro khasaare soo gaaray dagaalameyaasha Al-Shabaab.

Dowladda Soomaaliya iyo Mareykanka midkoodna wax war ah kama soo saarin howlgalkan. Isku-dayo la doonayay in wax looga waydiiyo duqeyntan ayaanan guuleysan.

Balse, Al-Shabaab ayaa ku eedeysay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka inay duqeeyeen guri ay degan yihiin dad rayid ah, ayna ku dhaawacmeen laba qof oo ay ku jirto gabar 11 jir ah.

Mashruuca goobaha colaadaha hubaysan iyo dhacdooyinka (ACLED) ayaa diiwaan-geliyay in ka badan 13 duqeyn cirka ah oo lala eegtay Al-Shabaab tan iyo dabayaaqadii bishii December ee 2022.

Duqeyntan ayaa waxa ay kusoo beegmaysaa xilli ay jireen muddooyinkii ugu dambeeyay isku-dhac u dhaxeeya dagaalameyaasha Al-Shabaab kaasoo sal u ah is-qabqabsi ka dhex-jira hogaanka maleyshiyadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM