Duqeyn diyaaradeed oo ka dhacdey koonfurta Soomaaliya

Image
Warar ayaa sheegaya in lala beegsadey maleyshiyaad Al-Shabaab. Illaa haatan, lama ogga bartilmaameedka iyo tirada khasaaraha.

MUQDISHO, Soomaaliya - Duqeyn diyaaradeed ayaa lagu waramay in ay xalay ka dhacdey tuuladda Maxamed Cabdulle oo hoostagta degmada Awdeegle ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Warar ayaa sheegaya in lala beegsadey maleyshiyaad Al-Shabaab. Illaa haatan, lama ogga bartilmaameedka iyo tirada khasaaraha. Sidoo kale, lama shaacin cidda fulisay duqeyntan.

Warbaahinta dowladda ayaa warisay in la dilay horjoogeyaal iyo dagaalameyaal wehliyay. Howlgalkan waxay imaanaysaa xilli loo diyaar-garoobayo wajiga labaad ee gulufka milatari.

Balse, wakaaladda wararka dowladda ee loo yaqaano SONNA ayaa waxay ku guuldareysatay in ay shaaciso dalka laga leeyahay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee howlgalka fuliyey.

Dhanka kale, ugu yaraan 19 ka tirsan Al-Shabaab ah ayaa lagu dilay howlgal ay si wada jir ah u fuliyeen ciidanka Soomaaliya iyo saaxiibada caalamka, sidda ay ku warrantay warbaahinta dowladda.

Howlgalkan ayaa ka dhacay degaan u dhow Awdheegle oo qiyaastii 55 KM dhanka galbeed kaga beegan magaalada Muqdisho Ma jirto illo madax-banaan oo warkan xaqiijinaya.

26-kii May, 2023-kii, Al Shabaab ayaa weerar ku qaaday saldhig ciidamada Uganda ay ku leeyihiin deegaanka Buulo-Mareer ee gobolka Shabeellaha Hoose, halkaasi oo ay ku dileen 54 askari.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe oo dil ka badbaadey

Hirshabeelle, oo ka mid ah bartamaha Soomaaliya, ayaa noqday goob muhiim ah oo hawlgallo militari laga fuliyo si looga hortago Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    03-01-2026

  • 08:07AM

India oo Beenisay Wararka Ku Saabsan Wadahadalka iyo Aqoonsiga Somaliland

Cadeyntan ayaa ku soo beegmaysa xilli dood caalami ah oo xasaasi ah laga wado xaaladda Somaliland.

  • Soomaliya

    03-01-2026

  • 07:30AM