Duqeyn diyaaradeed oo ka dhacdey koonfurta Soomaaliya

Image
Warar ayaa sheegaya in lala beegsadey maleyshiyaad Al-Shabaab. Illaa haatan, lama ogga bartilmaameedka iyo tirada khasaaraha.

MUQDISHO, Soomaaliya - Duqeyn diyaaradeed ayaa lagu waramay in ay xalay ka dhacdey tuuladda Maxamed Cabdulle oo hoostagta degmada Awdeegle ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Warar ayaa sheegaya in lala beegsadey maleyshiyaad Al-Shabaab. Illaa haatan, lama ogga bartilmaameedka iyo tirada khasaaraha. Sidoo kale, lama shaacin cidda fulisay duqeyntan.

Warbaahinta dowladda ayaa warisay in la dilay horjoogeyaal iyo dagaalameyaal wehliyay. Howlgalkan waxay imaanaysaa xilli loo diyaar-garoobayo wajiga labaad ee gulufka milatari.

Balse, wakaaladda wararka dowladda ee loo yaqaano SONNA ayaa waxay ku guuldareysatay in ay shaaciso dalka laga leeyahay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee howlgalka fuliyey.

Dhanka kale, ugu yaraan 19 ka tirsan Al-Shabaab ah ayaa lagu dilay howlgal ay si wada jir ah u fuliyeen ciidanka Soomaaliya iyo saaxiibada caalamka, sidda ay ku warrantay warbaahinta dowladda.

Howlgalkan ayaa ka dhacay degaan u dhow Awdheegle oo qiyaastii 55 KM dhanka galbeed kaga beegan magaalada Muqdisho Ma jirto illo madax-banaan oo warkan xaqiijinaya.

26-kii May, 2023-kii, Al Shabaab ayaa weerar ku qaaday saldhig ciidamada Uganda ay ku leeyihiin deegaanka Buulo-Mareer ee gobolka Shabeellaha Hoose, halkaasi oo ay ku dileen 54 askari.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisad Kacsan oo Koonfur Galbeed ka Taagan iyo Ciidamada DFS oo Magaalo oo La Wareegay

Madaxweyne Laftagareen ayaa noqday hoggaamiye kale oo maamul goboleed oo hakiya xiriirka kala dhexeeya dowladda dhexe.

  • Soomaliya

    22-03-2026

  • 08:01AM

Wasiirro ka soo jeeda Koonfur Galbeed oo is-casilay, xiisad siyaasadeed oo cirka isku shareertay

Sidoo kale, wuxuu sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay hakisay doorashooyinka maamulka tan iyo 2022.

  • Soomaliya

    20-03-2026

  • 09:05PM