Faahfaahin Ciidamada Dowladda oo duqeyn ku dilay horjoogayaal ka tirsan ‘AS’

Image
55 Xubin oo ka mid ah AS ayaa lagu dilay howlgalka.

XARARDHEERE, Soomaaliya - Ciidamada xoogga dalka iyo saaxiibada caalamiga ah ay saakay howlgal ka fuliyay dhulka howdka ah oo u dhexeeya deegaanada Caad Iyo Cadaleyee ku yaala Koofurta gobolka Mudug.

Ila ka tirsan dowladda ayaa xaqiijiyay in xubno ka tirsan “AS” ay isku aruursanayeen deegaanadaas, iyaga oo sheegay in ay gaarsiiyeen “Khasaare xoog leh”.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Ibraahim Sheekh Muxudiin oo ka warbixiyay howlgalka ayaa ku tilmaamay mid guul ku soo dhamaaday isaga oo xaqiijiyay in lagy dilay horjogayaal badan.

Taliye Ibraahim Sheikh Muxudiin ayaa sheegay in tirada xubnaha “AS” ee lagu dilay Duqeynta ay ka badan tahay 55 qof, isaga oo sheegay in ay sidoo kale jiraan dhaawac badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM