Faahfaahin ka soo baxaysa weerar ay AS ku qaadeen deegaan u dhow Guriceel

Image

GURICEEL, Soomaaliya - Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa deegaanka ayaa waxaa u suurtagashay in ay iska Caabiyaan weerar ay AS ku soo qaadeen deegaanka Bari-Ujeed ee Gobolka Galgaduud, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare xooggan oo soo gaaray ururka.

AS ayaa markii hore la wareegay gacan ku heynta deegaanka ka hor inta aysan dib u qabsan ciidamada dowladda, waxaana dagaalkaas ku dhaawacmay mas’uuliyiin ka tirsan gobolka iyo deegaanka, sida ay sheegayaan wararka la helayo.

Guddoomiyaha degmada Guriceel, Faarax Axmed Macallin, ayaa xaqiijiyay in ciidamada dowladda ay weli gacanta ku hayaan deegaanka, wuxuuna sidoo kale tilmaamay in ciidamada dowladdu ay la wareegeen gaadiid dagaal oo ay ka carareen xubnaha AS.

Deegaanka Bari-Ujeed ayaa u dhow degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud, waxaana ku yaala laba fariisimo oo ay ku lee yihiin Ciidamada Dowladda iyo kuwa Maamulka Galmudug, waxaana loo arkaa mid udub dhaxaad u ah difaacida Magaalooyinka Istraatiijga ah ee ku yaalla Galgaduud.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM