Faahfaahin ku saabsan qarax ka dhacay degmada Dayniile

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Qarax ayaa saaka ka dhacay degmada Dayniile, kaasi oo Ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxa oo loo maleynayo inuu ahaa miinada dhulka lagu aaso ayaa lala eegtay gaari uu la socday Taliyaha Nabad Suggida ee Degmada C/raxmaan Cali Kukou, kaasoo si mucjiso ah uga badbaaday.

Qaraxan waxa uu ka dhacay wadada dheer ee aada xarunta degmada Dayniile, gaar ahaan deegaanka Guutaale sida ay sheegeen dadka deegaanka. waxaana ku naf waaye laba qof.

Xaaladda ayaa degtay tan iyo saakay, waxaana dib u soo laabtay isu socodka dadka iyo gaadiidka ee wadada uu saameeyay ee ka tirsan gobolka Banaadir.

Degmada Dayniile ayaa waxaa dhawaanahan ka dhacayay qaraxyo xiriir ah, inkastoo qaarkood lagu guuleystay in ciidamada dowladda Soomaaliya ay fashiliyaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka digay qorshaha Israel ka damacsan tahay Somaliland

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in Muqdisho ay la xiriirtay bulshada caalamka, oo ay ku jiraan Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-01-2026

  • 12:41PM

Xasan Sheekh oo u safraya Saudi Arabia xilli ay isbeddelayaan xulafada Soomaaliya

Sidoo kale, booqashadan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo dowladda Soomaaliya ay si cad u taageertay mowqifka Sacuudi Carabiya.

  • Soomaliya

    01-01-2026

  • 09:23AM