Faahfaahin ku saabsan qarax ka dhacay degmada Deyniile

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Maamulka degmada Dayniile ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay qarax gaari oo maanta barqadii ka dhacay dagmadaas.

Cali Cabdi Faarax Guddoomiye ku xigeenka dhanka amniga ee degmada Deyniile oo la hadlay warbaahinta ayaa daboolka ka qaaday in qaraxa uu ka dhacay bar koontarool ku yaalla degmada Dayniile.

Ciidamada xasilinta caasimadda ayaa la sheegay in ay si degdeg ah u soo farageliyeen oo ay ka hortageen qaraxan, kaas oo noqonaya kii labaad oo loo waday in lagu qarxiyo gudaha magaagalada Muqdisho ee fashiliyaan ciidamada ammaanka degmada Dayniile.

Sida uu sheegay Faarax, qaraxa waxaa ku dhaawacmay lix qof oo shan ka mid ah ay ahaayeen askar, halka qofka soo haray uu ahaa qof rayid ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hogaamiye Al-Shabaab oo Mareykanka $5 million dul-dhigay madaxiisa oo lagu dilay Jilib 

Dowladda Federaalka ayaa mar kale adkaysay go’aankeeda ah inay sii waddo howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    02-01-2026

  • 07:41AM

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka digay qorshaha Israel ka damacsan tahay Somaliland

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in Muqdisho ay la xiriirtay bulshada caalamka, oo ay ku jiraan Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-01-2026

  • 12:41PM