Faahfaahinta dagaal ka dhacay deegaanka Buq-Dharkayn

Image

LAASCAANOOD, Soomaaliya - Deegaanka Buq-Dharkayn ee dhaca gobolka Sool ayaa waxaa maanta ka dhacay dagaal xooggan oo dhexmaray ciidamada maamulka SSC-Khaatumo iyo kuwa Somaliland, waxaana ka dhashay khasaare aan weli la shaacin baaxadeeda.

Ciidamada maamulka SSC-Khaatumo ayaa ku guuleystay in ay gacanta ku dhigaan taliyihii saadka ee maamulka Somaliland, waxaana ciidamadan u suurtagashay in ay sidoo kale la wareegaan labo gaari oo nooca dagaalka ah.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in dagaalladan ay ka dhasheen isku-day ay Somaliland ku doonaysay inay xoog ku qabsato deegaanka Buq-Dharkayn.

Sawiro lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinaya maxaabiis iyo qalab ay ciidamada SSC-Khaatumo gacanta ku dhigeen.

Dagaalo goos-goos ah ayaa weli socda oo u dhaxeeya labada dhinac, waxaana ka dhashay khasaare naf iyo maalba leh, iyadoo mas’uuliyiinta maamulka labada dhinac aysan wax war ah ka soo saarin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka digay qorshaha Israel ka damacsan tahay Somaliland

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in Muqdisho ay la xiriirtay bulshada caalamka, oo ay ku jiraan Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-01-2026

  • 12:41PM

Xasan Sheekh oo u safraya Saudi Arabia xilli ay isbeddelayaan xulafada Soomaaliya

Sidoo kale, booqashadan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo dowladda Soomaaliya ay si cad u taageertay mowqifka Sacuudi Carabiya.

  • Soomaliya

    01-01-2026

  • 09:23AM