Fariin loo diray xubnaha ‘AS’ ee ku go’doonsan Koofurta gobolka Mudug

Image

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Xidhibaan Cabdisalaan Xaaji Dhabancad oo ka tisran Aqalka Hoose ee baarlamaanka Soomaaliya kuna sugan jiida hore ee furimaha dagaalka ‘AS’ ayaa Fariin adag u diray xubnaha ‘AS’ ee ku sugan Koofurta gobolka Mudug.

Xildhibaanka ayaa sheegay in Soomaalida ay ku heshiiyeen in laga adkaado AS, isagoo sheegay in dagaalkan uu guul ku dhamaan doono.

Xildhibaanka oo xiran dareeska ciidanka ayaa ku booriyay kuwa ka tisan AS in ay isku soo dhiibaan ciidamada Dowladda oo ay ka faa’iideystaan cafiska ay u fidisay Dowladda Federaalka.

Dhabancad waxa uu sidoo kale ugu hanjabay xubnaha ‘AS’ ee ku sugan aagga Laas gacmey in ay jabin doonaan haddii ay isku dayaan in ay deegaanka soo galaan.

Gobolka Mudug ee Galmudug ayaa waxaa ka dhaca isku dhacyo u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo kuwa ‘AS’ oo weli maamula magaalooyin dhowr ah oo ka tirsan gobolkaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM