Firdhiye oo fariin adag u diray UK: Ka jooga inta aanan idinku khasbin in aad diyaaradihiina soo kicisaan

Image
Hogaamiyaha ayaa wacad ku maray in uu awood ciidan kula macaamili doono Ingiriiska.

LAASCAANOOD, Soomaaliya - Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo Cabdiqaadir Firdhiye ayaa maanta soo hadal qaaday doorka UK ay ku leedahay arrimaha SSC, isaga oo si adag u cambaareeyay isku dayga Ingiriiska ee ay ku wiiqeyso maqaamka maamulkaasi oo ay dhawaan aqoonsatay Dowladda Federaalka.

Hoggaamiyaha oo cabiray aragtidiisa ku aadan moqfika Ingiriiska ayaa yiri: “Waxa ay ka soo horjeedaan qadiyaddeena, waxa ay inoo sheegeen in aanay ogoleyn jiritaanka SSC-Khaatumo”.

Firdhiye ayaa ayaa wacad ku maray in uu awood ciidan kula macaamili doono Ingiriiska, isaga oo ka faalloonaya siyaasaddeeda arrimaha dibadda Ingiriiska ee ka soo horjeeda danaha SSC-Khaatumo.

Wuxuu intaas raaciyay: “Waxaanu leenahay inta aanan idinku khasbin in aad diyaaradihiina soo kicisaan ka jooga waxa aad waddaan, lama Joogo xiligii 1921 waannu ka xoog badan nahay xilligaa."

Ingiriiska ayaa xidhiidh adag la leh Somaliland oo weli xad-gudubyo ka geysanaya xuduudka ay la leedahay maamulka SSC-Khaatumo, taas oo keentay in hoggaamiyaha maamulkaas uu si adag uga hadlo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bangiga Maalgashiga Yurub oo tixgelinaya inuu amaah siiyo Soomaaliya xilli xiisado jiraan

Go’aankan ayaa soo baxay wax ka yar laba sano kadib markii Soomaaliya laga cafiyay…

  • Soomaliya

    24-08-2025

  • 09:54PM

Waa kuwee xubnaha mucaaradka ee ka baxay madasha kuna biiray qorshaha Villa Somalia?

Qoraal guddiga doorashada ee lagu muransan yahay shaqada wajibaadkiisa ayaa lagu…

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 08:49PM