Firdhiye oo Muqdisho ku wajahan

Image

LAASCAANO, Soomaaliya - Hogaamiyaha maamulka SSC-Khaatumo, Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali"Firdhiye" ayaa kusoo wajahan magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Firdhiye ayaa waxaa Casuumaada u fidiyay ra'iisul wasaare, Xamse Cabdi Barre.

Maamulka SSC-Khaatumo ayaa u muuqda mid xiriir wanaagsan la yeelanaya dowlada federaalka Soomaaliya.

Golaha sare ee dhaqanka ee SSC-Khaatumo ayaa horey u tagay Muqdisho iyaga oo wada-Hadalo la yeeshay hogaanka dowlada federaalka Soomaaliya

Gobalada Sool, Sanaag iyo Cayn ayaa aad ugu hamuun qaba horumarka iyo Adeegyada aas-aasiga ah ee bulshada sida Caafimaadka, Waxbarashada iyo dib u dhismaha kaabayaasha ay colaadu saamaysay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka digay qorshaha Israel ka damacsan tahay Somaliland

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in Muqdisho ay la xiriirtay bulshada caalamka, oo ay ku jiraan Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-01-2026

  • 12:41PM

Xasan Sheekh oo u safraya Saudi Arabia xilli ay isbeddelayaan xulafada Soomaaliya

Sidoo kale, booqashadan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo dowladda Soomaaliya ay si cad u taageertay mowqifka Sacuudi Carabiya.

  • Soomaliya

    01-01-2026

  • 09:23AM